Dawladda Maraykanka oo ka hadashay kulankii Madaxweyne Siilaanyo iyo haweenayda Kaaliyaha ka ah waaxda Khaarajiga US, akhri qoraalka laga soosaaray
Washington April, 27 (SDN)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa ka hadashay kulan doraad magaalada Washington ku dhexmaray haweenayda kaaliyaha ka ah Wendy Sherman iyo wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa dalkaas.
Sida lagu sheegay war-murtiyeed kooban oo Waaxda Khaarajigu kulankaas ka soosaartay, dawladda Maraykanku waxay muujisay taageerada in la sii wado wada-hadalada u dhexeeya Somalia iyo Somaliland.
Hase yeeshee, dawladda Maraykanku waxay ku celisay taageeradeeda xooggan ee ay u hayso midnimada Soomaaliya iyo nabad buuxda oo ka hirgasha.
Qoraalkaas kooban oo Jimcihii shalay State Department ku soosaaray, waxa lagu bilaabay sidan; “Shalay, Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Siyaasadda Wendy Sherman, waxay la kulantay Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo.
Kaaliye Sherman iyo Madaxweyne Silanyo waxay ka wadahadleen arrimaha walaaca loo siman yahay, ayna ku jiraan degenaanshaha, dimoqraadiyadda, dawladnimada iyo baahida in lala dagaalamo al-Shabaab.
Dawladda Maraykanku waxay sheegtay taageerada in la sii wado wada-xaajoodka u dhexeeya dawladda Soomaaliya iyo masuuliyiinta Somaliland, sida kii ku qabsoomay gudaha Turkiga April 13-keedii.
Dawladda Maraykanku waxay ku celisay taageeradeeda xooggan ee nabad buuxda iyo Soomaaliya midaysan.”
Qurbejoog.com, Washington