|

“Waar Walaahi Waad Baxaysaa Golaha Ka Bax,u Yeedha Askarta” Gudoomiye Salaabaan Maxaa ka qabsaday Kulankii Maanta DAAWO.

Hargaysa 03.May 2015 (SDN/QJ)- Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa Maanta isugu Yimid Fadhi Xasaasi ah oo badiba Shacabka Somaliland ay il gaar ah ku eegayeen,Maadaama laga cabsi qabo in Guurtidu ay ku dhawaaqaan Go’aan ka duwan kii Komiishanka Doorashooyinka iyo Sadexda Xisbi isku raaceen ee ku qotoma in doorashooyinka isku lamaan ee Madaxtooyada iyo Wakiiladu ay dhacaan 1 bisha June ee Sannadka soo socda.

Iyadoo Xisbiyada Mucaaridka iyo dalalka ka taageera Somaliland Geedi socodka dimuquraadiyadu uu Warwar ka hayo in go’aanka Golaha Guurtidu uu Wiiqo Wakhtigii lagu heshiiyay,Mudo kordhintooduna ay ka badato intii la isla qaatay.

 

Hargaysa SDN/QJ

 

contact@qurbejoog.com

Comments are closed