“Waar Maanta odaygu waxa uu u baahan yahay in la xoreeyo, idinkuna maanta isaga ayaad ka cabanaysaan” Cali Guray {DHAGAYSO}
Hargaysa 20.June (SDN) Guddoomiye Ku Xigeenka 3aad Ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Xayiraada ay xukuumaddu ku soo rogtay Wargeyska Madaxa Banaan ee Hubaal oo ka soo bixi Jiray Magaaladda Hargeysa.
Mujaahid Cali Guray Waxa uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo ku Dhaliilay hanaanka uu dalka ku Hogaaminayo Waxaa kale oo uu ku dooday In Madaxweynuhu u baahan yahay in la Xoreeyo isagoo yidhi ” waar Maanta odaygu waxa uu u baahan yahay in la xoreeyo, idinkuna maanta isaga ayaad ka cabanaysaan, walaahi iyo bilaahi madaxweynuhu maanta halgankii SNM Oo kale in lagu xoreeyo ayuu u baahan yahay, Waxa Laga Xoreynayaana Waa 20 Qof”.
Gudoomiye ku Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Ucid ayaa hadalkan ka Sheegay Shir Jaraa’id oo uu Maanta ku Qabtay Huteelka Xaraf ee Magaalada Hargaysa kaas oo ay ku lamaanayeen Madax ka Tirsan Xisbiyada Mucaaridka ah isla markaana uu kaga hadlay Sidii dib Xoriyadiisa loogu soo Celin lahaa Wargayska Hubaal,Waxa uu dhinaca kale ka Sheekeeyay Waayihii uu la soo Maray Xisbiga Kulmiye iyo Sababihii ku kalifay inuu ka baxo.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/CaliGuray20j.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com