“Waar Deked Haddaa Noo Samaynaysaan, Noo Sameeya, Laakiin Tan Cidna Kula Shuraakoobi Mayno” Xildhibaan Ismaaciil Caga-yare
Hargaysa 12.July 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Ismaaciil Cagayare oo ka mid ah golaha deegaanka Hargeysa ayaa ka hadlay heshiiska wareejinta Dekedda Berbera ee ismaan dhaafku ka taagan yahay, isla markaana wuxuu ka horjeestay wareejinta Dekedda ee xukuumaddu wado, waxaanuu ugu baaqay maamulka taladda haya inuu dhuumashada ka baxo oo bulshada hor yimaado kana qanciyo barnaamijkan ay wadaan.
Xildhibaan Cagayare fariin amuurtaa ku saabsan oo uu warbaahinta siiyay wuxuu ku yidhi, “Anigoo ah gudoomiyaha guddiga nabadgelyada ee caaasimadda Somaliland waxaan qabaa, berigii lixdankii baynu degdegnay oo aynu dawladnimadda la orodnaye, heshiiska dekedda oo si allaale iyo si uu yahay aanaan garanayn in la cadeeyo. Waar deked haddaa noo samaynaysaan, baddaa dherersan baanu leenahaye hanaloo sameeyo, laakiin tan cidna kula shuraakoobi mayno, cidna ka yeeli mayno, wax aan dhacayna weeye, dawladdu waxay soo gashayna umadda ha u cadayso, waqti yar baaba u hadhay oo koobanba’e, in aan dekedda la wareejina waan ka soo hor jeeddaa, adeer dekeddu sidayadii hore hanoo ahaato ayaan aaminsanahay. Shaqaalaihii meesha noo joogay ee afarta kun ahaa dee hanaloo cadeeyo, miyay tegayaan miyay joogayaan, ma shaqaale kale ayuu qaranku u baahan yahay, intana ma inay badda nagaga dhimataa doonaysaan, kuwii horraanu badda meel aanu kaga soo qabano la’nahaye oo ka kaban la’nahaye. Dawladduna agnaanimadda ha iska dayso oo hanoo soo bandhigto oo hanoo cadayso, ka ugu yar ilaa ka ugu wayn Somaliland ayaa qancin ka doonaya, shirar hanaloo qabto, laakiin maxay la dhuumanaysaa, karis xun iyadaa wax ku la’.”