“Waar armay fiicnaan lahayd in la isu yimaaddo oo, oo waxa inaga dhexeeya ee danta inoo ah in laga hadlo.” Cali khaliif galaydh
Hargeysa:7-Sep-2013(SDN)-Siyaasiga Dibad-wareegga ah ee ku fashilmay Saymaha Siyaasadda Cali Khaliif Galaydh, ayaa mar kale afka furtay, kuna tawaawacay Hadallo dhiig miidhan ah oo ka baxsan milgaha siyaasadda.
Cali khaliif oo Wali la suuxsan Guul-darrooyinkii siyaasadeed ee iskaga dambeeyey intii uu Golaha siyaasadda ku jirey, ayaa haatan bilaabay dagaal af-xumo ah oo uu cuqdad iyo xumaan ku kala dhex beerayo shacabka walaalaha ah ee ku nool deegamada Somaliland, waxana uu wali dabada haystaa midnimo uu isagu kaw ka yahay raggii godka ku riday, “Midnimada soomaalidu annaga waa nagu beeran tahay cid noo laqimaysaana ma jirto, wax badan baana nagu seegay, carruurtayadii baa xabsiyada Burco, mandheera iyo hargeysa ku jirta, haween jilicsan oo qaarkood iyagoo uur leh xabsiga la geeyey kuna umulay xabsigii” ayuu yidhi cali khaliif.
Sidoo kale cali khaliif oo waraysi siinayey Telefishanka Somali channel waxa uu la jilbo-joogsaday habaar iyo hilgaad uu dusha ka saaray shacabka ku dhaqan deegaanada Somaliland, isagoo sheegay in deegaankooda dab ka holci doono, waxana uu yidhi, “Waxa aad meesha la timaadeen iyo waxa aad haysaanna waanu ognahay, dhibaatada ay keeni doonto dabkaa aad ku huraysaan sool, sanaag iy cayn waxa uu ku dambayn doonaa Hargeysa, burco, berbera iyo Gabiley oo aan ahayn annaku inaanu shidno dabkaas idinka dhexdiinay ka dhici”
Waxa kale oo uu dagaal ooge cali khaliif Hadallo uu ku didinayo u jeediyey shacabka u heellan Dawladnimada Somaliland ee kalsoonida ku qaba, waxan uu ku tiraabay inuu dagaal ka xigo jiritaanka Somaliland, “Ciddii is leh Xulufaad ku samaynaysaa magacaas(somaliland) oo dad kale aad ku gumaysanaysaan ma suurtoobayso mana ogolaanayno Haddaan mid nagaga hadhayn.” Ayuu yidhi cali khaliif.
Cali khaliif waxa sheegay isagoo u muuqda in dal cidi ka haysato uu Gor-gortan ugu jiro, in la isku yimaaddo oo qolo waliba ay deegaanadeeda ku ekaato oo la wada hadlo, waxana uu yidhi, “Waar armay fiicnaan lahayd in caqli la isticmaalo oo shaydaanka la iska naaro oo la isu yimaaddo oo, annaku waxbaba kama qabno, qolyahanina degmooyinka ay degaan waanu naqaannaa iyaguna waa yaqaaniine kuwoodaa intay ku ekaadaan in la wada hadlo oo waxa inaga dhexeeya ee danta inoo ah in laga hadlo.”
Waxa kale oo uu cali ka markhaati kacay Degenaanshaha ka jira Somaliland ee sababay in soomaaliyi meel ay joogtaba gabbood ka soo dhigato, taasina ay keentay in Dekedaheeda xoolo badani ka dhoogaan, waxana uu yidhi, “Baayac-mushtarka dakhliga ugu weyn ee Somaliland soo gala waxa uu ka soo galaa Berbera xoolaha ka baxaana soomaaliya oo dhan bay ka yimaaddaan, inta ismaamulka soomaaliyeedna xoolo badan oo ay leeyihiin ayaa Berber aka baxa.”
Ugu dambayntii cali Khaliif waxa Hanjabaad afka ah u diray dawladda awoodda badan ee Somaliland, isagoo ku calaacalay in adkaysigu ka sii dhamaanayo, waxana uu yidhi, “Hadda meel bay colaaddu gaadhi aan la isu tudhi doonin oo aan waxba la xeerinn doonin, Haddii sida maatada loo gelayo Hadda adkaysigu xad buu leeyahay.”
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com