|

Waanu hirgelinay amarkii maayarka oo faylasha waxaanu ku dhamaystirnaa laba maalmood

Hargeysa (DHH/qurbejoog.com)-Guddoomiyaha waaxda Maxamed Moogge ee magaalada Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Maxamuud, ayaa sheegay inay xaafadaasi culays ku hayaan laba xero oo ku yaala degmadaasi oo ay ku kala jiraan qaxoonti ka yimid dagaalada Soomaaliya iyo dad muwaadiniin ah oo ku baro kacay abaarihii dalka ka dhacay. 

Guddoomiyaha oo maanta u waramayay shabakada wararka ee dawlada Hoose ee Caasimadda ee Hargeisamunicipality.org, waxa  kale oo uu faah faahin ka bixiyay xaalada degmadaasi.

“Xaalada guud ee degmadda Maxamed Moogge ee magaalada Hargeysa aad iyo aad ayaad u fiican tahay wax dhibaato ah oo caqabad ku ah adeegga iyo shaqada aanu u hayno bulshada ma jiro. Hawsha ugu weyn ee degmo ahaan na saarani waa laba xero oo ay ku jiraan qaxoonti iyo baro-kacayaal ayaa xaafadda ka samaysan. Labadan xerood waxa ku kala jira dadkii Somaliland u dhashay ee ku barokacay  abaaraha iyo kuwo qaxoonti ah oo ka soo baro kacay Soomaaliya, culayska u weyn ee degmada Saarani waa xeryahaasi, waxaana aanu  u soo jeedinaynaa xukuumadda, Ha’yadaha caalamiga ah iyo Maayarka Caasimadda  in dadkaasi qaxoontinimo loo aqoonsado oo la dejiyo lagana dul qaado culayska na saaran, waxaanu doonaynaa in dadkaasi la raro oo meel kale la dejiyo arrintaasna qorshaheedii waanu wadnaa oo Maayarka ayaa noogu maqan.” 

Maxamed Cabdilaahi wuxuu sheegay in dadkan barokacayaasha ah aanay jirin cid wax kaalmo ah siisay muddo. 

Guddoomiyaha Maxamed Moogge oo aanu weydiinay waxa uga qabsoomay banaynta wadooyinka xidhmay oo ay dawladda Hoose ahmiyad weyn siinayo waxaanu yidhi “Waaxdani wadooyin bay lahayd, kuwaasi oo qaarna furan yihiin qaarna xidhan yihiin  waxaanu  rajaynaynaa inaanu sanadka cusub ee fooda inagu soo haya aanu awooda saarno  oo aanu wadooyinka xidhan oo dhan furno.” 

Guddoomiyuhu wuxuu u soo jeediyay  dadweynaha ku dhaqan waaxdaasi inay si hagar la’aan ah u bixiyaan cashuuraha ku waajibay hantidooda,  si loogu fuliyo mashaariic horumarineed oo ay dawlada Hoose ee Hargeysa ka hirgeliso waaxda Maxamed Moogge. 

Maxamed Cabdilaahi oo la weydiiyay  siday wax uga qabtaan cabashada dadweynaha ee  la xidhiidha in degmooyinku ay dadka  ku jactadiyaan faylasha dhulka ee ay soo gudbiyaan oo muddo maalmo ah ku qaata dhamaystirkoodu, isagoo arrintaasi ka jawaabayayna wuxuu yidhi “Maayarka Caasimadda Hargeysa wuxuu shirka todobaadlaha ee uu la yeesho Guddoomiyeyaasha degmooyinka ku amray in faylashu ay degmooyinku ku dhamaystiraan muddo laba maalmood ah, maalinta sadexaadna ay   u gudbiyaan xarunta dawlada Hoose, anagu amarka maayarka ee ah nidaamka faylasha shaqada waanu hirgelinay, wax fayl ah oo noo yaalaa ma jiro waxay faylashu nagaga dhamadan  laba cisho oo qudha
Xasan maxamed c/laahi
hargaysa

Comments are closed