“Waan ku kalsoonahay Ra’iisul Wasaare Cabdiwali” Madaxweynaha Somalia
Muqdisho 21.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Cabdiwali Sheekh Axmed uu la imaan doono wax-qabad.
Madaxweynaha oo ka hadlay kulankii baarlamaanka ee lagu ansaxiyay ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu ka rajeynayo Dr. Cabdiwali inuu dalka gaarsiiyo doorsahooyin xor ah sanadka 2016, wax ka qabto amniga, dib-u-habeynta dastuurka, dhaqan-gelinta federaalka iyo howlaha muhiimka ah ee uu farayo dastuurka dalka.
Xasan Sheekh ayaa tilmaamay inuu ku kalsoon yahay in Ra’iisul Wasaaraha uu dar-dargelin karo horumarka ballaaran ee sanadkii la soo dhaafay la gaaray.
Wuxuu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan in isbeddelka dhacay uu noqdo mid horseeda horumar, si loo gaaro Soomaaliya oo hesha xasillooni amni, dhaqaale iyo siyaasadeed.
Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com