|

Waalidiinta Aan Ubadkoodu Gacantooda Ku Jirin Oo Bilaabay Inay Iska Diiwaangeliyaan Saldhigyada Muqdisho

Muqdisho:Aug,06,2014(SDN/QJ)-Saldhigyada Magaalada Muqdisho, waxa si weyn u buuxdhaafiyey Boqolaal Waalidiin ah oo aan Haynin Meel ay kaga warramaan caruurro ay dhaleen oo loo malaynayo inay Al-shabaab ku biireen.

degWaalidiintan ayaa kusoo baxay Hadalkii uu dhawaan Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka qalabka sidaa, kaas oo ahaa in qofkasta oo Alshabaab ah oo gacanta lagu soo dhigo lala soo xidhi doono waalidkiisii.

Waalidiinta biloway inay is diiwaangalshaan ayaa iyagu Aaminsan In Caruurtooda ay ka Bar bar dagaalamayaab Xarakada Al shabaab, taas oo laga yaabo inay qaarkood diyaarinayaan weerarro lagu halligmo.

Muxyadiin Cali oo kamid ah Waalidiinta is diiwaangelisay, isla-markaana Saldhiga Degmada Yaaqshid  iska diiwangeliyey, ayaa warbaahinta u sheegay in wiilkiisa uu Ogayn meel uu ku noolyahay geeri ama nolol wuxuuna sheegay in aan wax laga waydiin karin hadii uu wiilkiisa wax ka kaysto dhibaatooyinka ka alloolsan dalka Somalia wuuxuna shegay in uu Bari ka yahya Falka uu wiilkiisa ku dhaqaaqay wuxuna sheegay in wiilkiisa kamid yahay Xarakada Al shabaab

 

Dhanka kale, Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Taliyayaasha Saldhigyada ayaa iyagu soo dhaweeyay dadaalka ay Waalidiintaasi kusoo diiwan galinayaan Carruurtooda ka bar-bar dagaalameysa Alshabaab.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed