|

Waalidiinta 40 dhalinyaro ah oo Puntland laga tahriibiyay oo sheegay in caruurtooda Daacish ku biireen

Boosaaso,10sep,2015(QJ/SDN)-Dhalinyaro Somaliyeed oo tiradooda lagu qiyaasay 40 ayaa doon laga saaray deegaanka Dur-duri oo ka tirsan gobolka Sanaag, dhalinyaradaasi oo waalidiintooda ay sheegeen in caruurtooda la qalday oo loo wado dalka Yeman si ay ugu barbar dagaalamaan kooxda Daacish.

Waalidiinta caruurtaan oo la hadlay idaacadda VOA ayaa waxay sheegeen in caruurtoodu dul saaran yihiin doon uu ka dhammaaday shidaalkii taasi oo dul sabaynaysa Biyaha Badda cas.

Illegal immigrants from Somalia walk to a vessel in port town of Bossaso

Dhalinyaradan ayaa baraha kontoroolada Boosaaso ilaa Sanaag lagu dhaafiyay in ay yihiin ciyaartooy, iyagoo loo labisay dharka isboortiga.

Doonida la saaray dhalinyaradan ayaa waxay u kiraysneyd Nin Soomaaliyeed oo xiriir la leh kooxaha ka dagaalama Yeman, waxayna sheegeen waalidiinta caruurtooda la qalday in ninkaasi heshiis kula soo galay xagjiriinta in uu keeni doono dhalinyaro ka barbar dagaalanta.

Aadan Jaamac Maxamuud oo dhalay wiil 22 jir ah iyo iyo Hodan Faarax Cismaan oo dhashay wiil 18 sano jir ah, ayaa waxay sheegeen in caruurtooda ka cabsi qabaan in gacanta loo galiyo kooxa Argagixisada gaar ahaan Daacish.

Waalidiinta ayaa waxay sheegeen in horay sidaan oo kale ay u dhacday oo dhalinyaro Somaliyeed horey gacanta loogu galiyay ururka Daacish iyagoo lagu qaaday nidaamka Tahriibta balse la geeyay Yemen oo loo furey tababar ciidanimo.

Maamulka Puntland ayaa arrintan si cad u beeniyay, iyagoo sheegay in dhalintaasi ay tahay kuwii awalkii horaba tahriibi jiray.

Comments are closed