Waakuma “Ikrima” oo Mareykanku dhawaan doonayay in ay Baraawe ka Soo qabtaan
Baraawe Oct09,2013(SDN)-Ciidamada dalka Mareykanka ayaa weerakii ay ku qaadeen aqal ku yaal magaalada Baraawe waxa ay sheegeen in ay ku bartilmaansanyeen mid ka mida hogaamiyeyaasha kooxda Al Shabaab oo la yiraahdo Ikrima oo aan hore loo aqoon.
Cabdiqadir Maxamed Cabdiqadir Ikkrima waa nin Kenyan ah oo dhalashadiisu tahay Soomaali,waxaanu ka mid yahay tiro Kenyan ah oo Shabaabka meelo sare ka gaaray.
Ikrima waa hogaamiyaha abaabulka ee kooxda Al Shabaab ee ku sugan magaalada Baraawe,sida ay dadka degaanku sheegeen.
Sidoo kale reer Baraawe waxa ay sheegeen in Cabdiqadir Ikrima ay inta badan weheliyaan meliishaad ilaalo ah oo aad u hubeysan oo ilaa labaatameeyo ah.
Maadaama uu yahay Kenyan waxa uu si wanaagsan ugu hadlaa luuqada Sawaaxiliga iyo ta carabiga oo Shabaabiyiintu ku wada hadlaan.
Ikrima ayaa waxa uu si caadi ah ula qabsaday Soomaalida iyo Ajaanibta kuwada jira kooxda Al Shabaab.
Waxa lagu eedeeyay in uu ahaa ruuxii qorsheeyay weeraro ay Al Qaacida amartay oo ay aheyd in laga fuliyo Kenya sanadadii 2011 iyo 2012kii.
Goobaha ay Al Qacida dooneysay in la qarxiyo waxa ka mid ahaa Baarlamaanka,xarunta QM ee Nairobi,xarun ciidan iyo maqaaxi Itoobiyaan ah oo ay madaxda Soomaalidu aad wax uga cunto.
Dawlada dalka Kenya ayaa shaacisay in ay ka warheshay qorsheyaasha Ikrima oo deetana laga hortagay weeraradaa dhamaantoon.
Xoghayaha Warbaahinta ee wasaarada arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka George Little ayaa sheegay in Ikrima uu xiriir dhaw la lahaa Haarun Fazul iyo Saleh Ali Salax Nabhan oo labaduba ku lug lahaa weeraradii lagu qaaday safaarada Mareykanka ee Kenya 1998dii iyo kuwii lagu qaaday Hotel iyo Duyuurad magaalada Mombassa sanadii 2002dii.
Si kastaba ha ahaatee waxa haatan muuqata in Mareykanku u soo jeestay bartilmaansiga kooxaha xiriirka la leh ururka Al Qaacida ee Qaarada Africa ku sugan.
SDN-Baraawe
contact@somalidiasporanews.com