“Waa Xusuus-Qorkii Abid Ugu Horreeyey Ee Maxbuus Qoro Isaga Oo Weli Xidhan Xabsiga adag ee Guantanamo”
Washington 03.June 2015 (SDN/QJ)- Xusuusaha Guantanamo waa xusuus qor shakhsi ah oo haddii aad akhrido, mar kaa oohinaya, ilbidhiqisi kalana kaa qoslinaya, qoraagu waxaa ka muuqata kaftan-aqoonnimo iyo awoodda uu u leeyahay ka fiirsiga iyo dhadhaminta dhacdooyinka, waa ruux laab furan xitaa marka uu ku jiro duruufaha adag iyo daqiiqadaha ugu daran ee la dullaynayo.
Qoraagu waa Muxammadu Walad Salaaxi oo u dhashay dalka Muritaaniya, muddo 14 sano ah ayaanu ku xidhan yahay xabsiga uu Maraykanku ku leeyahay dalka Cuba ee Guantanamo Bay.
Qoraagu waa isla ninkan qisada leh, oo ka sheekaynaya qisada xadhigiisa, ciqaabta la mariyey iyo sida ay tahay noloshii xabsiga dhexdiisu, buuggiisan oo uu bilowgii sannadkan ku faafiyey dalka Maraykanka ayaa ka mid noqday liiska buugaagta dalka Maraykanka loogu iibsiga badan yahay. Waxaana lagu tiriyey in ay tahay markii abid ugu horreeysay ee maxbuus uu isaga oo weli xabsiga ku jira faafiyo buuggiisa xusuus qorka.
Buuggan oo marka koowaad ku qoran Afingiriisi, laakiin durbadiiba waxaa loo rogay afaf badan, waxaana lagu iibiyey suuqyada kutubta ee in ka badan 20 dawladood. Xusuus-qorka Walad Salaaxi oo 44 jir ah, waa sheeko xanuun badan oo ka waramaysa ruux ayaan daran oo waqti qaldan joogay meel aan sax ahayn.
Walad Salaaxi waxa uu ku dhashay dalkiisa Muritaaniya, laakiin waxbarashadiisa waxa uu ku dhamaystay dalka Jarmalka, intii uu dalkaas waxbarashada u joogay oo ku beegnayd sagaashamaadkii waxa uu tegey dalka Afgaanistaan si uu uga qayb galo jihaadkii lagaga soo horjeeday Midowga Soofiyati ee dalkaas qabsaday, waxa uu ka dhinac dagaalamayey oo uu ka mid ahaa Mujaahidiintii uu Maraykanka waqtigaas taageeri jiray.
Dagaalkii kadib Salaaxi waxa uu u guuray dalka Canada, laakiin muddo kadib ayaa uu haddana mar kale dib ugu soo noqday dalkiisa hooyo.
Weerarradii 11 Sebtamber lagu qaaday Maraykanka kadib, oo uu Salaaxi weli Muritaaniya joogo, ayaa ay dawladda Muriteeniya qabatay waxa aanay u dhiibtay sirdoonka Maraykanka ee CIA oo ka soo dalbaday in loo soo qabto ninkaas. Isla markiiba waxaa Salaaxi loo gudbiyey xabsiga sumcadda xun ee Guwaantanaamo (Guantanamo), iyada oo la soo mariyey xabsiga kale ee Baagraam (Bagram) oo ku yaalla dalka Afgaanistaan.
Dawladda Maraykanku waxa ay ku doodaysaa in Muxammadu Walad Salaaxi uu ka tirsanyahay ururuka Al-Qaacida, waxa aanay diiddan tahay in ay xabsiga ka sii daayaan, laakiin haddana wax dacwad ah kuma ay soo oogin, mana muuqdo qorshe ay dacwad ugu soo oogeysaa. Haddii laga tegi waayo hadalka eedda u eeg ee Maraykanku ka sheegayaa, waa in Muxamedu Salaaxi ay ooryo walaal yihiin mid ka mid ah gacanyarayaashii Usaama Bin Laadin.
Hana Shamsi oo ka mid ah qareennada u doodaya Walad Salaaxi, kana masuul ah barnaamijka amniga Qaranka, ee daladda xorriyadaha madaniga ah ayaa mar ay ka hadashay buuggan uu Salaaxi soo saaray waxa ay sheegtay in fikirka qorista buuggani ay bilaabatay markii Salaaxi uu qareenadiisa u soo diray dhambaallo uu ku faahfaahinayo waayihiisa iyo duruufaha uu kala kulmay gacanta Maraykanka, qoraalkaas oo uu doonayey in qareennadiisa uu ka caawiyo dacwadda iyo doodaha maxkamaddu marka ay bilowdaan. “Arrintani (Faafinta buuggu) waxa ay qaadatay muddo 7 sano ah oo la soo maray wada-xaajoodyo iyo dacwado maxkamadeed oo ka dhan ah xukuumadda Muritaaniya, si ay u ogolaato in buuggaas la faafiyo” ayaa ay tidhi Hana Shamsi, iyada oo intaas ku sii dartay in xitaa markii ay xukuumaddu ogolaatay faafinta buuggan ay qasab kaga jartay in ka badan 2500 oo erey iyo hawraar ba leh.
Iyada oo shaaca ka qaadday in waxyaabaha ugu badan ee buuggan laga jaray ay yihiin ereyo iyo hadallo badankoodu ahaa magacyada dembibaadhayaasha Salaax waraysan jiray iyo ilaaladii, sidoo kale waxaa la jaray maansooyin uu curiyey Maxmmadu Walad Salaax qudhiisu.
Dhammaan nuskhadaha afafka kala duwan ku soo baxay ee buuggan waxaa ka dhex muuqda khad madow oo la mariyey meelo badan oo ah meelaha la jaray, taas oo qofka akhristaha ah mar kasta xasuusinaysa sida adag ee xukuumadaha ay arrintani khusaysaa ugu dadaaleen in aanay ku soo bixin wax aanay ogolayn.
Xusuus qorka Guantanamo waxaa ka buuxa ficillo iyo dhacdooyin meel-ka-dhac ku ah bani’aadamnimada, kaftan iyo murugo, mararka qaarkoodna waxaas oo dhami mar keliya ayaa ay kuwada kulmayaan.
Haddii aynu qoraalka buuggan in yar hoos dhaadhacno, mar uu qoraagu ka sheekaynayo duruufaha uu la kulmay intii uu isaga gudbayey xabsiyada kala duwan ee uu Maraykanku ku hayey intii aan Guantanamo la geyn, “Argagax ayaa ay igu ahayd mar dhegaha ay ii geliyeen laba dabool oo u eeg sameecadaha dhegaha. Waxa aan u qaatay in uu yahay hab cusub oo uu Maraykanku ku nuugo dhammaan waxa ku jira maskaxda bani’aadamka, kadibna toos loogu shubayo kombiyuutar weyn si warkaas loo lafa-guro. Kama aan baqanayn xogta maskaxdayda laga nuugi doono, laakiin waxa aan ka baqo qabay xanuunka uu isu gaadhsiin doono xoogga koronto ee xadhkaha dhegaha la iga geliyey marayaa, waxa ay ahayd arrin doqonniimo ah. marka ay cabsi ku gashay sida aad tahay ahaan maysid, balse waxa aad mar labaad dib ugu noqonaysaa ilmo yar”.
Dhinaca kalana Maxfuud Walad Salaaxi oo ay walaalo yihiin Muxammadu Walad Salaaxi ayaa dawlad Muritaaniya ku canaantay dhibta ku dhacday walaalkii. Maxfuud oo ah Injineer Kombiyuutarrada ah oo dalka Jarmalka deggen ayaa mar uu ka hadlayey aragtidiisa buuggan uu walaalkii qoray waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Qofka akhriya buuggani waxa uu garanayaa sida uu Muxammadu Walad Salaaxi beri uga yahay qiraallo hore looga faafiyey markii baadhista lagu samaynayey, waxaana caddaanaysa in qirashadaas hore ku timid ciqaab la mariyey”
Isaga oo sii faahfaahinayana waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Qofka akhriya baadhitaannada lagu sameeyey Maxammadu ee ku qoran buuggan waxa uu garanayaa in qiraalka la sheegayaa uu yahay samays iyo malo-awaal. Waxa ay ku odhanayeen, waa aad garanaysaa hebel iyo hebel, waxa aad ku wada tukan jirteen Kanada ama Frankfurt” Maxfuud Walad Salaax waxa uu intaas ku sii daray, “Warka oo koobani waa in waxa walaalkay ku dhacay uu yahay shirqool liita” Halka Hana Shamsi ay iyaduna warkeeda ku soo gunaanadday, “Ciqaabta xusuus-qorkan ku cad waxa aynu ka baranaynaa laba arrimood: ta koowaad waa in ciqaabta la mariyey ay aad u xanuun badnayd, ta labaadna waa in Maxammadu Walad Salaaxi uu ciqaabtaas darteed macluumaad been abuur ah u bixinayey.”
Xigasho Wargayska Geeska Afrika