|

“Waa Xaq In Shacabka Jabuuti Madaxweyne Geelle Ugu Abaal-gudaan Wax-qabadkiisa”Xasan Suudi Xirsi

Hargeysa 23.Jan 2016 (SDN/QJ)- Xasan Suudi Xirsi, oo ka tirsan aqoonyahanka Somaliland ayaa faahfaahin balaadhan ka bixiyey horumarka xukuumada Jabuuti ku talaabsatay, oo mudan ku deyashadiisu, isla markaana sheegay inuu diyaar u yahay inuu la gara istaago hiilkiisa, si aan looga leexin dariiqa horumarka.

 

Xasan-Suudi Xasan Suudi ayaa sheegay sannadihii 1990-kii ka horeeye dhaqaalaha dalka Jabuuti hoos-u-dhac weyn ayaa ku jiray, shaqaalahuna mushahar ma qaadan billo bdan, wax walba wax taagnaayeen, laakiin markii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele xukunka qabtay, waxay gaadheen in afar dekedood dhistaan, waxaanu yidhi, “Markii Madaxweyne Ismaaciil Cumar xukunka qabtay waxuu bilaabay dedaalo, shacabkuna ku taageeray oo horumar lagu gaadhsiiyey dalka Jabuuti, oo keenay in afar dekedood laga dhiso, waxa la bilaabay wadooyinka tareenada isku xidha dalka Itoobiya iyo jabuuti, ama socda.

 

Mr. Xasan Suudi ayaa sheegay in shacabka Jabuuti noqdeen dad garta waxqabadka iyo horumarka uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar gaadhsiiyey, isla markaana la yimi abaalcelintiisa, waxaanu yidhi, “Shacabka Jabuuti waxay noqdeen ummad garatay horumarkii Madaxweyne Ismaaciil Cumar gaadhsiiyey, isla markaana  abaalcelintoodii noqotay inay taageeraan inuu xukunka u sii hayo, talaabada oon hore dunnida uga dhicin marka laga reebo dalka Masar.” Isagoo raaciyey, “Abaal qof gala in loo gudo ayuu mudan yahay, waa xaq in shacabka Jabuuti uga abaalgudaan waxqabadkii iyo horumarkii uu gaadhsiiyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.”

 

Mr. Xasan Suudi ayaa sheegay inuu qori doono buug magaciisa la yidhaahdo Jabuuti shalay iyo Maanta, isagoo ka hadlaya sababaha ku kalifayna waxuu yidhi, “Waxaan doonayaa inaan ugu hiiliyo shacabka iyo xukuumada Jabuuti horumarka ay gaadheen mudadii Madxaweyne Ismaaciil Cumar xukunka u hayey, isla markaana ugaga hiiliyo kuwa doonaya inay ka leexiyaan dariiqa horumarka oo hakad ka geliyaan.

 

Mr. Suudi ayaa sheegay inaan dalka Jabuuto lahayn beero iyo wax kale laakiin ay heleen arrin deeqday oo wax walba ku heleen waa nabada, naaska irmaan ee horumarka ay ku gaadheen, waxaanu yidhi,

“Jabuuti naaska irmaan ee horumarka gaadhsiiyey waa nabada, waa in shacabkoo kaashanaya hogaaminta madaxweyne Ismaaciil Cumar ilaashadaan, maxaa yeelay waxay ka dhigtay gogoshii nabada aduunka iyo in wadamadda caalamka ugu waaweyn fadhiisimo ku yeeshaan.” Bishan gudaheeda dalka jabuuti waxa ka dhaca ijtimaaca aduunka ee Tabliiqa, isla markaana Madaxweyne Ismaaciil waxuu ugu deeqay dhul badhaan oo loo dhisay kulankaa diiniga ah.

 

Mr. Xasan Suudi oo ka hadlayey dedaalada xukuumada jabuuti samaysay ayaa sheegay inay gaadhsiisay in shirka jaamacada Carabta, markii koowaad taariikhda lagu qabto dal ka baxsan, oo Jabuuti ah, horumarka dhinacyada kala duwan ku gaadheen dedaalada shacabka jabuuti oo kaashanaya, waxaanu yidhi, “waxa laga hadlaa saddex xilli ayuu qabtay, markaad eegtid dalka Jarmalka, markii   afaraad ayuu Chancellor-keedu hayaa, lagamu qiimeeyo inta xilli ee qofku qabtay, ee waxa lagu qiimeeya waxuu qabtay, mucaaradkana waxaan leeyahay noqda kuwo wax dhisa, een horumarka dumin.

 

Mr. Xasan Suudi  oo ka hadlayey dhibaatada iyo halaaga lagala kulmo dawlad la’aanta ayaa u soo jeediyey shacabka Jabuuti iyo mucaaradka inay kaga tusaale qaataan dawlad la dumiyo Soomaaliya, waxaanu yidhi, “Dawlad la’aan iyo dawlad la dumiyo shacabka iyo mucaaradka dalka Jabuuti ha kaga tusaale qaataan Soomaaliya, Liibiya, Yemen, marka nidaamkii dawladnimo loo burburiyo hebel baa doonayee ka kac, markaa qolyaha mucaaradka waxaan soo dhoweynayaa, laakiin waxaan leeyahay yaanay noqon mucaaradnimadaadu mid wax dumisa, ee mid wax dhista u bedela.”

Comments are closed