Weyddiimo ku sabsan dagaalkii Puntland iyo koox lagu sheegay Alshabaab.
Weyddiimaha oo noqon doonna su’aalo balse jawaab u baahan.
1- Ma maqashayn meel ay Shabaabku ku sheegtayn dagaaladii bariga Nugaal iyo Mudug? (Hadde waxaan ognahay in Abuu Muscab oo ah Afhayeenka howlgallada Alshabaab uu ka hadlay dil Boosaaso ka dhacay 4 afar habbeen ka hor kaasi oo labo askari lagu dilay, marka caqligal matahay in kooxdu ka aamusto dagaalkii xeebaha ka dhacay?
2- Macquul ma tahay in koox dagaal kusoo jirtay muddo dhan 10-sanadood ku kici lahayd khalad/gaf caynkan oo kale ah? kaba dhig waa ku keceen maxay ahayd goolka/hadafka ay lahayeen?
3- Guusha laga gaaray deegaanada xeebaha maxaa looga gaari waayay deegaanka Galgala oo aynu wada ogsonahay inay haatan gacanta shabaabka ku jirto? (Mise sheekadu waa: Galgala deegaan beeshu leedahay maahan) Mooji!
4- Maydadka la ina tusay iyo carruurta lagu sheegay maxaabiista maxaa ka kala dhigay kala labiska? caruurta qaarkood macawiso ayay xidhnaayeen! halka maydadku ahayeen rag waawayn oo tuutaysan?
5- Marka aynu u fakirno si furan, ma is odhan karnaa qorshahan oo dhan Puntland ayaa ka dambeesay oo siyaasad ayaa laga lahaa?
6-Waraysiga ciyaalka waxa kamid ahaa (Waxbarasho ayaa la igu siray, waa la i qasbay, waxa la i yiri waa soo bashalaynaa). Haddaba maxaa jawabahooda caynkaas ka wada dhigay? koox dhan oo duullaan ah (9-15 jiro) dagaal ma usoo wadan lahayd?
7- Waxaan dhagaystay sheekh lagu magacaabo Cabduqadir Muumin oo ku biiray ISIS/Daacish waxa uu leeyahay “Puntland iyo Shabaab waxa ka dhaxeya heshiis” haddaba maxaa ka run ah waddaadkaas hadalkiisa? wadaadkaas laftigiisu deegaan aan ka fogayn Qandala ayaa la sheegaa inuu ku haysto ciidan 130 gaaraya! maxaa loo weerari la’yahay?
8- Shabaabka lagu qabto Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo Waligaa ma aragteen iyadoo wariyaashu waydiinayaan (Xagaad ka timaaday/kasoo jeedaa), waydiintan ma waxa looga dan lahaa in dadka deegaanada barriga loo tuso in (Gedo, Bakool iyo Shabeellaha Hoose) looga soo duulay? bal adba!
9-Ugu dambayntii ma waxay kula tahay in PL ay iska difaaci kari lahayd weerar lamid ah kii Ceel-cadde amaba laanta-buura?
FG; haddaad wax walba si sahlan ku Aaminto matihid qof-jira’ isku day inaad caqligaaga addeegsato oo aad wax is waydiiso.
W/Q Mufakir Warsame