|

WAA SU’AASHII ADKAYD, IYO SAAXIIBADII REER-AFRIKA

Magacyadoodu waa Tomas Matenga iyo Abraham Mateta. Waxa ay ka kala yimaadeen Saambiya iyo Simbaabwi. Jaamacadda Leeds oo qudhaydu ba an haatan arday ka ahay, ayay iyaku na tacliin u yimaadeen, sharciga ayayna bartaan. Sida ay marka dambe ii sheegi doonaan, midkood (Tomus) wa Macalin jaamacadeed, midka kale na, (Mateta) waa Garyaqaan ama abukaate, waxa uu na u badanyahay dhinaca xuquuqul-insaanka. Labaduba waa ay indho la’yihiin, ha ahaatee waa niman dadaal miidhan ah, labada midkooda yar, ee Simbaabwi ka yimid baana sii daran. Qolada jaamacada ayaa dhawr goor ii sheegtay in ay arday Afrika ka timid joogaan, in aan is barano na sabab u ahaa. Makhaayadda ardayda ayaanu ku balanay, halkaas baanan shaah iyo sheeko ba ku wadaagnay. In aan horeyba isu naqiinay baad moodaysay. Sababtu ma diirka madaw baa, ma indho-la’aantaa, mise waa labada oo la isku daray? Mooyi. Soomaalida uun ma aha dadka hadalka dhaadheeri, laakiin waa lala qabaa, ama laga badiyaa. Maalintas baan ogaaday. Nimankii waxa ay yidhaahdeen, makhaayad ma lagu kala bogan karo, ka waran hadii aan magaalada aad degentahay kuugu nimadno. Aniguna waxa aan ku idhi soo dhawaada.

 

Maalmo ka dib bay tareenka soo qabsadeen, aniguna wan ka hor tagay. Kolkii aanu is helnay, baan makhaayad u qado tagnay, ka dib na, gurigayga ayaan geeyay. Sheeko noocyo kala duwan leh baa is jiidhay. Dhaqan, dhaqaale, siyaasad, sharci, duruufaha dhulalkii ay ka yimaadeen iyo Afrika IWM, baa la falanqeeyay. Sidii ay u joogeen, ayay i su’aaleen, su’aashii darnayd. Waxay yidhaahdeen, “Soomaalidu maxay isku dilaysaa?” Anigu waan ka naxay waydiintaas, sababta aan uga naxay na waxa ay ahayd, walina tahay, in aanay jawaabtu ahayn mid fudud. Marar badan baa dhacda oo qofka aad su’aashaa uga jawaab is leedahay uu kaa tago isaga oo aan wax badan kaa korodhsaninba. Markaa waxan ku idhi, taasu waa sheeko dheer. Iyaku na waa ay ku adkaysteen in aan wax ka idhaahdo. Ninka Saambiya ka yimid, oo da’ ahaan waynaa labadooda, shakhsi ahan na ka furfurnaa midka kale, ayaa yidhi, “Soomaalida hore ma aanu u aqoonin, laakiin intan dagaaladu ka socdeen Soomaaliya ayaanu baranay. Waa dad yaab leh dhab ahaan – iyaka oo qaxoonti ah, oo xalad aad u daran ku sugan ayay wadankayaga yimaadaan, wax yar ka dib na, iyaka oo ganacsiyo waawayn haysta uun baad arkaysaa. Bal adigu sheeg meesha ay lacagta ka heleen. Wa dhexdii ahayd taangi booyadeed ayaa Soomaali badan llagu soo qariyay, sidaas ayaana magaalada Lusaka lagu soo galiyay, laakiin waxan hubaa in ay kuwii qudhoodu haatan dukamo ku haystaan wadankayaga. Soomaalidu aad bay isu gacan qabtaan, dhaqaale badan na way isa siiyaan. Sidaas oo ay tahay, waxan la isku dilaayo, ee dabku u dami waayay maxa uu yahay?” Buu yidhi.

 

Walaahi wali su’aashii bu daba joogaa – ayaan hoos isu idhi. Waxan moodaayay in uu ku ilaaway sheekadan kale ee uu galay, laakiin sidaas ma ahayn. Su’aasha qudheedii uun buu gogol-dhig u samaynaayay. Jawaabtii awalba iska adkayd, uun buu igu sii adkeeyay. War ilayn balaayo badanaa. Waxoogay aamus ah ka dib, baan la hadlay, waxa aanan ku idhi, Soomaalidu waxa ay isku dishay, wixii ay isku dishay. Oo waxa ay isku dishay maxaa uu ahaa? Buu yidhi. Soomaalida waa la isku diray oo wadamada dariska ayaa isku shiday, iskuna shidaaya. Ayaan hadana idhi. Markaas buu yidhi, “Oo maxaa la isugu dirayaa? Dee Soomaalida ayaa sidaas doonaysa. Ayaan ku idhi. Oo maxay sidaas u doonayaan? Buu hadana yidhi. Sidaas waxa ay u doonayaan, dee wax baa dhex yaala. Ban ku idhi. Ka dib waxa uu yidhi, aad ma u fahmin. Aniguna waxa aan ku idhi, waan ogahay in aanad waxba iga fahmin. Isaga ayaa joogi waayay. Shaahaaga iska cab baa lagu kari waayay. Adigu maxaad odhan lahayd? In yar baanu wada aamusnay saddexdayaduba. Koley waxa ay maskaxda iska lahaayeen – ninkani doqonsanaa. Waxaad tidhiba lagu yidhi. Baan aniguna hoos isu idhi. Saxiibkii kale ayaa soo galay, waxa uu na yidhi – ma sida Kongo oo kale baa arinta Soomaalidu oo dheeman baa la isku hayaa? Adna ma bilawday baan hoos u idhi, kor na waxan u idhi, maya ee dheeman iyo baatrool toona ma la isku haysto. Markas baan is idhi, goolal badan baa haatan laga dhaliyay ee bal wax uun isku day waa into ay wax ka fahmaan xaaladda. Isku day in aad taariikhda Soomaalida, hore iyo dib, u soo koobto, ka dib na jawaabta ay raadinayaan iyaku meeshaas ha kala baxeen.

 

Markaa waxan ku idhi – nimanyahaw mishkiladda Soomaalida ee hadda aad arkaysaan sababteeda ugu muhiimsani waxa weeyaan, dawladnimadii Afrika Soo galootiga ku wada ahayd, ayay Soomaalidu hanan kari wayday, dhibta aad arkaysaan, ee su’ashiinu ku saabsantahay na taas bay galaysaa. Eeg, Soomaalidu beelo Geeskaas Bari ee qaaradda iska yaala, oo xoolo dhaqato ah bay ahaayeen, walina yihiin. Waxay ahaayeen beelo si joogto ah isu dila, kuna dagaalama waxyaabo iyaka muhiim la ahaa, oo daaqa xoolaha iyo biyuhu ugu wayn yihiin. Waxan xasuustay Douglas Jardine iyo buugiisii uu 1924 ka qoray Soomaalida, isaga oo sheegay in Soomaalida mar na abaari layso, marna iyaku ay is laayaan, labadaas xaaladood uun na ay u dhexeeyaan. Hadalkaas baa igu soo dhacay. Waxan u sheegay in, iyada oo ay sidaas tahay, ay markii ugu horaysay taariikhda beelaha Soomaalida, ay Yurubiyan kii isu keen-keeneen, dawladnimo wax lagu sheegay, laakiin la eeday, na ay siiyeen. Dawladnimadii kolkii looga tagay na, dadkii hoganka u qabtay, ee ku soo koray caqliyaddii beelnimada iyo Reer-hebel inaga dici, ayaa hogaankii qabtay. Dad aan aqoonin umadnimo, laakiin yaqaana uun beelnimo, ayaa la yidhi doonidii kaxeeya, dhibteeda ayay na lahayd. Waxa kale oo dhib xoog leh keentay, beelnimadii ay ahayd in lla seexiyo, ayaa xoog loo shiday. Sidas waxa sameeyay dadkii xukunka hayay, waxaana ugu darnaa nin xukun doon ah, oo shaad milatari gashanaa.

 

Si uu xukunka u haysto, askarigii waxa uu isku dayay in uu naaxiyo, oo xoojiyo, Is-diidadii guunka ahayd ee beelaha raacatada ah u dhaxaysay, khasaaraha u wayni na halkaas buu ka dhashay. Kuwii doonaayay in ay askariga xukunka ka qaadaan na, waxay dabada galiyeen beelahoodii askarigu dulmiyay, waxa ayna sameeyeen jabhado hubaysan, oo cudud ahaan iyo fikir ahaan ba ku salaysan beelnimo. Hebel oo Reer-hebel watta ayaa halis nagu haya, inaku na aan iska dhicinnno dood ah, cadaynteedii na ay hayaan bay keeneen. Xataa hadii hebel ka reerkiisa ku shaqaysanaaya, ee reerihii kale halista galiyay laga adkaado, ka dib maxaan samaynaa la isma waydiinin. Sidii hebel kii loola diriraayay, ayaa debedda loo tuuray. Kolkii isaga la tuuray na, nin waliba reerkoodii buu aaday, reer kale in uu hogaanka qabto na waa uu ddiiday. Taasi waxa ay keentay xaaladda manta taagan, Soomaalidu na ay noqoto umada kaliya ee aan dawladnimo heshiis ku ahayn, dawlad matasha na aan la haynin. Isla taas qudheeda (dawlad la’aanta) ayaana keentay waxyaabo kale oo ay ka mid yihiin badaha qaar ka macasha, oo maraakiibta afduubta, kuwa magaca diinta ku adeegta ee warkooda aad maqasheen, iyo maamul goboleedyo bilaa macno ah intaba. Waxaanan u raaciyay codsi ah, in ay Soomaalida meeshii ay ku arkaan ba caawiyaan hadii ay awoodaan.

 

Intii aan hadalka daldalmaayay waxa igu soo dhacay, tuducyo gabaygii Gudgude ee Hadraawi ka mid ahaa:

-“Gobanimadu waa libin ku taxan, geeddi nololeede 

– Waa gumaro aadmigu hantiyo, guusha ugu weyne.

– Gacmaa lagu xejaa amase way, galab dhaqaaqdaaye. 

– Waa lagu gam’aa amase way, geeri badisaaye 

– Gob baa lagu noqdaa amase waa, lagu gumoobaa.

 

W/Q: M. Haaruun – mbiixi@gmail.com

 

Comments are closed