Waa sidee xiriirka u dhexeeya wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland iyo Xukuumada inteeda kale?
Hargeysa Feb 16,2012(qurbejoog.com)-Wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland ayaa maalmihii u denbeeyay ay soo baxayeen in aanu wada shaqeyn wanaagsan la leheyn wasiirada ka tirsan xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Wasiirka ayaan inta badan dalka joogin xaruna ka sameysatay dalka Kenya oo uu ku qaato waqti saaid ah iyada oo ay hawlaha wasaaraduna dayacan yihiin.
Wasiirka ayaan wax wada hadal ah aaney wadaagin wasiirada Arrimaha guddaha iyo wasiirul Dawlaha arrimaha dibedda.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo arimahan la socda ayaa qaatay goaan ah in isagu noqdo ruuxa qudha ee wasiirku wada shaqeyn dhexmarto.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Md Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa cida qudha ee ay isfahamka ka dhexeeya uu yahay wasiirka Madaxtooyada Md Xirsi Xaaji Xasan.
Labadan masuul ayaa inta badan masuuliyiinta xilalka ka tagta ama laga eryo ku eedeeyaan in ay wanjaleen,isla markaana maroorsadeen inta badan masuuliyadii madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Qurbejoog-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com