|

“Waa Sidee Xidhiidhka Dhallinyarada iyo Dowlada Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud..? DAAWO

Muqdisho 18. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Dhalinyarada Soomaaliyeed waa lafdhabarka bulshada ee dhinacyada horumarka, tacliinta, wax soo saarka iyo difaaca dalka, wadan walibana horumarkiisa waxaa hormuud u ah dhalinyarada.
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo isaga laftiisa dhalinyaro ah ayaa mudadii afarta sano aheyd ee uu xilka hayey waxaa dowladiisu ay ka qeyb ka qaadatay dhiirigelinta iyo kor u qaadida wacyiga dhalinyarada Soomaaliyeed.
Iyadoo laga faaiideysanayo nabada ka hana qaaday inta badan dalka ayaa dowlada madaxweyne Xasan Shiikh waxay u howlgashay sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo horumarka dalka.
Heyadaha dowlada sida wasaaradaha iyo ciidamada ayaa shaqaaleysiiyey dhalinyaro kor u dhaafeysa 50 kun kuwaasoo isugu jira kuwo ka soo baxay Jaamacadaha dalka iyo qaar dhameeyey dugsiyada sare.
Dowlada Xasan Shiikh ayaa talaabadan qaaday, iyadoo xaaladeeda dhaqaale ay weli liidato, kaabayaashi dhaqaalaha dalkana aysan weli sidii loo baahnaa u howlgelin, taasoo keentay in dowladu dulqaad badan u muujiso mushaharka dhalinyaradaas.
Waxaa dowladu abaabushay tababaro kor loogu qaadayo wacyiga iyo aqoonta dhalinyarada, kuwaasoo qaarkood dalka dibediisa loo diray, waxaa la abaabulay tartamo isboorti oo heerar kala duwan leh kuwaasoo ka kala dhacay Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka, waxaa la furay iskuulo waxbarasho oo qaarkood lagu dhaqan celiyo maleeshiyooyinka ka ssoo goostay Al-shabaab, iyadoo lala kaashanayo heyaddo iyo dowlado caalami ah, lamana soo koobi karo waxqabadka dowladu u sameysay horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Comments are closed