Waa Sidee Xaaladda Magaalada Baardheere. Akhri Faallo Kooban.
Baardheere: waa magaalo ku taala koonfurta gobolka Gedo, waana magaaladda ugu ballaadhan uguna shacbiyadda badan gobolka, waxaana Baardheere hoos yimaada in ka badan 200 oo tuulo, waxaana ay xaruun u ahayd sanadihii ugu danbeeyay Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, balse maanta ayay gacantooda ka baxday. Baardheere waxay wajahaysaa hadda xaaladd cusub iyo jawi ka gedisan kii ay horay ugu jirtay, baardheere intii ay gacanta ugu jirtay Xarakadda Alshabaab waxay ahayd magaalo nabdoon oo maamul iyo kala danbeyn leh waxaana baardheere intii muddo ahaydba ay sammeynaysay horumar dhan walba leh. Baardhaare waxay gacanta u gashay maanta Ciidamada huwanta ah ee AMISOM iyo kuwo Dowladda Soomaaliya, waxaana la odhan karaa waa guul usoo hoyatay ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Soomaaliya. Balse Magaaladda Baardheere ayaa hadda ah mid faaruqa ka dib markii shicibkii deganaa ay horay uga hulleeleen iyagoo ka cabsi qaba in waxyeelo kasoo gaadho ciidamada cusub ee halkaasi qabsaday.