“Waa Nasiib Darro, Waana Gardarro in Puntland Oo Aynaan Wax Soohdimo Ah Lahayni Inay Soo Daandaansato Waxa Somaliland Gudaheeda Ka socda,.’’ Wasiirka Macdanta Somaliland
Hargeysa,21Dec,2015(QJ/SDN)-Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo tamarta Somaliland Md Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa ka hadlay doodaha deegaanada qaarkood ka keenaan arrimaha sahaminta shidaalka iyo macdanta ee Somaliland laga wado, waxana uu hoos u dhigay saluuga ka dhasha deegaanada hawlahaas laga bilaabay.
Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale oo barnaamijka Milicsiga siyaasiga ee Telefishanka Universal Tv ugu warramayey Ruug-caddaaga weyn ee Faysal Fadh-fadhle, ayaa sidoo kale ka dayriyey inay ictiraaf la’aanta Somaliland haysata inay dhibaato u geysatay habsami-u-socodkii hawlaha shidaal sahaminta ee Somaliland, “dalkani dal la ictiraafsan yahay ma aha, aad bayna u adag tahay in lasoo jiido shirkadaha waaweyn, waana ku guulaysanay inaanu dhawr shirkadood oo waaweyn aanu dalka kusoo jiidno dhawr shirkadood oo caalami ah oo ay daneeyaan heshiisyo aanu la galnay imikana ilaa afar shirkadood way joogaan dhibaatooyinka batroolka jabay kamid yahayna saameyn weyn buu ku yeeshay, inkastoo aanay odhan waanu joojinay laakiin waxaad dareemaysaa inaanay sidii ay markii hore u dheeraynayeen aanay u dheeraynaynin.”ayuu yidhi Wasiir Xuseen Cabdi.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa si gaar ah uga hadlay cabashada nimaadka baadhista arrimaha shidaalka iyo macdanta ee deegaanada qaarkood kasoo yeedha, waxana uu tilmaamay in cidda cabanaysaa tahay dad uu afmiishaariin ku tilmaamay, waxana uu yidhi,“wax cabasho oo badani ma jirtee meelo aad u kooban ayey wax kasoo yeedhayaan, meelahaasna fili maayo in deegaanku u dhan yahaye waa dhawr nin oo afmiishaarro ah oo u haysta inay lacagi soo daadatay oo kacdoon shacabkii ku keenaya.”
Waxa uu wasiirku ku faanay waxqabad uu sheegay inay wasaaraddiisu ka geysatay deegaanka Xudun oo muddooyinkii ugu dambeeyey sahamin shidaal ka socotay, waxana cabasho deegaankaasi kasoo yeedhay ku tilmaamay wasiirku mid la buun buuniyey,
“Magaalada xudun intaan hawsha yar ee diyaaradan imika laga sheekanayaa ee la buunbuuniyey ee cajaa’ibka laga dhigay bilaabin waanu tagnay oo odayaasha deegaanka badh baa nala socday oo aanu ugu baaqnay dadka deegaanka waxyaabo horumar ah oo ay kamid tahay inaanu ceelal biyood qodno, markaa laba saddex nin oo meelahaas ka qaylinaya oo afmiishaarro ah lagama dhigi karo in deegaankii hawsha kasoo horjeedo, wixii oo aanu meeshaba waxba bilaabin ayaa la is odhaynayaa roob lacag ah baa soo daatay”ayuu yidhi Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale. Wasiirku waxa uu intaas ku daray “Telefishinada qaar baan ka daawaneyey sheekooyin la abuuray, waxa lasoo saaray in diyaaraddii intay dhulka fadhiistaan oo macdantii guranayaan, beeno cad oo la abuurayo ayaa dadkii lagu kicinayaa, dadka wax kicinayaana waa dad afmiishaarro ah oo calooshood-u-shaqaystayaal ah oo gacmo waaweyni ka dambeeyaan si ay rabshado u abuuraan, waana run oo deegaanku markii aanu u tagnay cabashooyin badan oo horumar la’aan ku salaysan wuu noo soo gudbiyey, waxana ay ahayd inaanu shirkaddii u barino oo nidhaahno dadkani baahida ugu weyn ee ay qabaan waa biyo.” Wasiir Xuseen oo hadalkiisa sii wata, ayaa ku faanay inuu hawlaha sahaminta shidaalka kasoo xareeyey dakhli aad u tiro badan oo malaayiin lacag ah gaadhay, “iyadoo aan dalkii wali waxba laga soo saarin, waxanu wasaaradda maaliyadda ku xaraynay dakhli ku dhaw shan milyan oo dollar($5000,000) ayaanu wasaaradda maaliyadda ku xaraynay, sidaasayna ku caddahay lacagtaasi.”ayuu yidhi Wasiir Xuseen. Wasiirka oo ka jawaabayey su’aal nuxurkeedu ahaa inuu xubin ka yahay wasiirrada tan iyo intii xukuumaddu jirtey aan dhicin ee lama taabtaanka ah, waxana isagoo arrintaas beeninaya uu yidhi, “Dadku waxa ay yidhaahdaan Xuseen wasiirrada lama taabtaanka ah buu ku jiraaye maxaa loo eryi waayey, horto marka ugu horraysa way jiraan wasiirro kale oo wali aanu madaxweynuhu masuuliyadda ka qaadini, kumana koobna saddexda nin ee la sheego, dareenka aan haystaana madaxweynuhu qofka wasiirka ah oo uu masuuliyad saaray haddii uu ku qanco sida uu wax u wado waxa uu u beddeli waayey buu qabaa umana arko arrin reernimo ah.”
Ugu dambayntii Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu farriin adag u diray Maamul-goboleedka Puntland, waxana uu uga digay buuqa ay ka abuurayaan shaqooyinka Somaliland ka waddo dhulkeeda rasmiga ah, waxana uu yidhi,“waa nasiib darro, waana gardarro ah in Puntland oo aynaan wax soohdimo ah la lahayni inay soo daandaansato waxa Somaliland gudaheeda ka socda, xilligii isticmaarkiina waa la yaqaanay Majeerteeniya inta ay le’kayd, waxana aan jeclaan lahaa in nimankaas daandaanisga badani ay ku ekaadaan gobolkoodaas yare e kooban, soohdimaha caalamiga ah ee la dhigayna waa in la ixtiraamaa oo aan loo eegin reernimo.”