|

Waa Maxay Ujeedada Xafiisyada uu Golaha Wakiiladu ka Furanayo Gobolada Dalka

Berbera 25.March 2014 (SDN)- Guddida Joogtada ah ee Golaha wakiilada Somaliland ayaa Furay Xafiiska Baarlamaanka Somaliland ku yeelanayo Mgaalada Berbera ee Gobolka Saaxil.

xafiiska berberaGuddida Joogtada ah oo uu hogaaminayo Gudoomiye xigeenka 2-aad ee Golaha wakiilada Cali Yuusuf Axmed ayaa Shalay u ambabaxay Magaaladda Berbera, iyagoo uga sii gudbi doona Magaalada Burco oo ay ka furayaan Xafiiska Golaha ee Gobolkaasi.

Guddida ayaa Xafiiska Golaha furay, kaasi oo ay sheegeen inuu u diyaar yahay Hawl wadeenada ka shaqayn doona islamarkaana ay geeyeen ilaa 30 Xeer oo dhaqan gal ah si Shacabku wax uga ogaadaan Xeerarka waddanka ee Goluhu ansixiyey.

Gudoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Wakiilada Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka hadlay U jeedada iyo hawlaha Xafiisyada ay furayaan ayaa sheegay inay noqon doonaan Goob dadku ka helo Xeerarka waddanka ee lagu maamulayo islamarkaana ay kaga doodaan, iyagoo fikraddahooda ku soo kordhinaya.

“ Xaruni waxay noqon doontaa mid isku xidha mudanayaashii Gobolkan laga soo doortey iyo dadkii Gobolka deganaa. in badan baad is daydayeeseen baa laga yaabaa oo lalahaa Xildhibaanadii nagumay soo noqon ama qaarkood ma aragno. Xaruntani waxey noqon doontaa marka Golaha Wakiiladu fasaxa galo Xarun loo soo diro oo ay usoo ambabaxaan Mudanayaasha Wakiilada ee laga soo doortey Gobolkan, oo ay fadhiisan doonaan mudada uu fasaxa ku jiro Goluhu”ayaa ka mid ahaa hadal Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa.

Guddida Joogtada ah ee Wakiilada ayaa hore Xafiis uga soo furay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal. Bari ayaa sidoo kale la filayaa inay Magaalada Burco Xafiiska Wakiilada ee Gobolka Togdheer ka furan.

Xafiisyada Golaha wakiiladu Maalmahan ka furayaan Gobolada ayaa ku soo beegmaya xilli wakhtigoodu gabaabsi yahay ka dib 8 sano oo ay xilka hayeen islamarkaana aanay hore xarumo ugu yeelan Gobolada dalka.

Berbera SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed