Waa maxay Siyaasaddu?
Mushtamaca Somaliyeed meel kasta ha joogo e, in badan bay maqleen ama iskoodba u isticmaaleen erayga siyaasad, yagoo ka faaloonaya barnaamijka siyaasadda, dhaqaalaha ama arrimaha bulshadda ee Somalida gaar ahaan Somaliland iyo Somaliya. Haddaba, maqaalkeenan maanta waxaan si gun dheer oo faahfaahsan ugu lafa guri doonaa, macnaha iyo ujeedadda siyaasadda ee dadkeena reer Somaliland ay ku jahawareereen. Isla markaana dadka qaar magacyo iyo xilal mansabyo sare leh ay ku gaadheen.
Waa maxay siyaasad? Wallow erayga siyaasad ee ay dadkeenu had iyo goor ku isticmaalaan dhaqanka iyo nidaamka dawladnimaddu aanu marka horeba Somali ahayn, haddana macnaha siyaasad marka aynu ka hadleyno ma aha eray ama jumlad loo isticmaali karo nolosha caadiga ah ee bulshadda dhexdeeda ka jirta. Yadoo lagu meeweelanayo ama si madadaalo ah wakhtiga makhaayaddaha iyo goobaha bulshadu ay ku kulanto la joogo lagu lafaguro xaalad siyaasadeedka dawladnimo ama hab maamulka dhaqan-dhaqaale ee dal ka jira.
Wali waxaan araarteedii ku guda jiraa in aan su’aasha waxa ay tahay siyaasadi ka jawaabo, maadaama oo mawduucani yahay mawduuca ugu balaadhan ee taariikhda adduunka inta uu ibni-aadamku uumanaaba jiray. Maqaalkii Somaliga ahaa ee kan ka horeeyey waxaan ku iftiimiyey waxa ay dawladnimaddu tahay, oo aan ku macneeyey in ay dawladnimaddu tahay meesha dad meel ku wada nooli ay dhaqaalahooda, caqligooda, aqoontooda/garashadooda, maalkooda, farsamadooda/xirfadooda, xoogooda/awoodooda, iyo aragtidooda siyaasiga ah isugu geeyaan. Haddaba, haddii ay macnaha dawladi kan yahay maxay noqon kartaa siyaasadu?
Waxa lagu qiyaasaa dalalka horumaray sida Europe iyo North America gaar ahaan Maraykanka iyo Britain, in ay yihiin dalalka adduunyadda ugu nidaamka wanaagsan dhinaca xoriyadda aadanaha iyo dhismaha dhaqaalaha. Waxa aynu ka wada dheregsanahay in Qaaradaha Africa, Koonfurta America iyo Asia, badidooda dadku ay ka yacaan oo ay ka tacabiraan yagoo raadinaya nolol wanaagsan oo dhaqaale ama mid xoriyadeed. Tusaale ahaan Africa badi dadku waxa ay uga cararaaan dhanka nolosha iyo shaqadda oo aad u hoosaysa, amabase dhinaca abniga iyo nabad ku wada joogid la’aanta dadyawga dal iyo dhul ku wada nool. Halka aad ka arkeyso wadamo badan oo carbeed, koonfurta America, Asia ama Ruushka in dadku ay badi iska ladan yihiin oo xaaladda nolaleed ee dhinacyadda xoriyadda iyo xaquuq la’aanta ka jirta meelaha ay ku noolyihiin u saamixi waydo in ay sii joogaan.
Haddaba, inagoo u guuda-galeyna su’aasheena waa maxay siyaasadu? Anigoo si kooban uga jawaabaya siyaasaddu waa cilmiga kaliya, isla markaana ugu wayn ee ay dawladdi ku maamusho dadka iyo dalka ay masuulka ka tahay. Yadoo u cadaalad sameyneysa dadkeeda, isla markaana dhisaysa dhaqaalaha dalka si nolosha dadku u wanaagsanaato. Waxa kale oo siyaasadda lagu dhisaa amniga iyo xasiloonida guud ahaan dadka muwaadiniinta ah. Isla markaana waxa si hufan loo dajiyaa khariirada ah sida dadyawga kale ee adduunka ha noqdaan kuwa jaarka ama caalamka intiisa kale sidii si nabad ah loogu wada noolaan lahaa, adduunyaddana looga wada shaqeyn lahaa. Waxa kale oo siyaasad lagu dajiyaa sidii qadiyadda ummadda iyo masiirkooda nololeed loo ilaalin lahaa, yadoo la dhisayo ciidan nabad-gelyo oo dadka kala ilaaliya, si ay ugu kala nabad galaan. Yadoo la weynaynayo shuruucda dalka u taala gaar ahaan maxkamaddaha.
Sidoo kale waxa siyaasadda lagu habeeyaa sida cadawga dibadda looga difaaci lahaa dalka iyo dadka yadoo la dhisayo quwad military oo ilaalisa xuduudaha dalka. Siyaasaddu waxa ay sameysaa nidaamka waxbarasho ee uu dal leeyahay si dadkiisa jiritaankooda nololeed dhinacyadda dhaqaalaha iyo caafimaadka loogu wanaajiyo. Siyaasadda wanaagsan ee uu dal leeyahay waa ta keenta in laba dal oo sinaan lahaa ay kala wanaagsanadaan ama kuwo khayraad ahaan kala duwani kala wanaagsanaadaan. Tusaale ahaan dalka Japan oo ah dalka sadexaad ee adduunka ugu dhaqaalaha weyn oo GDP yahay $4.78 Trillion, marka dhinaca farsamada laga eegana ah kan labaad ee ugu horumarsan adduunka dhinaca aqoonta technology ga, wallow dalka Britain iyo Germany ka horeeyaan dhinaca cilmiga sayniska. Haddana khayraadka dhulkiisa marka aad eegto waa uu ka musalafey oo khayraad dabiici ah ma leh, sidaas oo ay tahay waxa uu ka dhaqaale weyn yahay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo oo khayraadka dhulkeeda ku jira lagu qiyaasay $32 trillion, lakiin GDP yahay $55 Billion kaas oo waliba 52% la musuqo halka 38% loo adeegsado hurinta colaadaha oo qayb weyn ka qaatey bari kicinta, caafimaad daradda iyo agoomaynta caruuraha mustaqbal beelay.
Akhriste, waxay u muuqataa in aynu hadda isla fahamnay waxa ay tahay siyaasaddu, oo ah sidii dawladdi dal iyo dadba u wanaajin lahayd. Haddii aan tusaale yar u soo qaato siyaasadda wadamada galbeedka ah taala anigoo barbar dhigaya ta dalkeena taala iyo sida ay dadkeenu u yaqaanaan siyaasadda waxa inoo cadaan doonta dhamaanteen sida uu xaalku u yahay kaaf iyo kala dheeri. Waxaan ka hafeefanayaa in dadka qaar u fahmaan in aan is barbar dhigayo dhaqaalaha iyo aqoonta dalalka horumaray iyo Somaliland. Maya xaalku sidaa ma ah waxa kaliya oo aan is barbardhigayaa sida ay u fekeraan (psychoanalysis) siyaasiyiinta daacada u ah dadka iyo dalkooda iyo kuweena sadexda Xisbi Qaran ku jira iyo aqoon yahan keena shahaadada wata ee marka uu soo galo siyaasadda ka bilaabaya reer hebelnimo iyo halkeen wax ka cunaa.
Aan ku horeeyo siyaasiyiinta ama siyaasadda reer Galbeedka e, waxa ay siyaasaddani gabi ahaanteed daaran tahay sidii loo badbaadin lahaa loona hormarin lahaa dal, dad iyo duunyo intaba. Tusaale wanaagsan haddii aan soo qaadano, siyaasadda reer galbeedka jaamacadaha waaweyn u taala ee ah cilmiga ugu wayn ee ay leeyihiin maanta isla markaana ay ku hormareen waxa kaw ka ah:- In la helo amni iyo cadaalad ku dhisan sharci adag oo laga wada raali yahay. Isla markaana, dawladdu si cadaalad ah u maamusho khayraadka dabiiciga ah iyo kan xooga ummadda ku jira ee dalka yaala oo mihiimadiisu tahay in shaqo lagu abuuro si nolosha dadka loo wanaajiyo. Haddii aan halkaa sii yara faahfaahiyo waxaan tusaale u soo qaadan lahaa nolosha qoyska iyo siyaasadda qaranka. Waxana kaw ka ah in siyaasadda lagu suuro-galiyo Hooyo iyo Aabe shaqeynaya oo noloshooda dabaraya, haysta guri nal iyo biyo leh. Marka uu uurka hooyaddu yimaado heli kara nafaqada hooyadda uurka lihi ilmaha iyo yaduba u baahan yihiin.
Cusbitaal iyo caafimaad bilaash ah oo uu ilmuhu ku dhasho isla markaana ku helo daryeel joogta ah, xanaaneyn iyo nafaqayn intaba ilaa inta uu si fiican u adkaanayo ugana korayo. Xiliga uu ilmahaasi gaadho dugsiga, waxbarasho diyaar ah oo uu la socdo amni iyo caafimaad wanaagsan iyo daryeel fiican ilaa inta uu ka gaadhayo heer jaamacadeed. Waxaa taa garab-socda meel uu jidh-dhis ku sameeyo oo uu ku jimicsada sida garoomadda kubaddaha ama cayaaraha kale, iyo waliba meelaha madadaaladda ee dhaqanka iyo akhris barashada ee sida mihimka ah uga qayb qaadata dhismaha caliga iyo garashada caafimaadka qabta. Isla markaana ka fogaysa dhalinta xumaha kala qaybsanaanta iyo in ay yagu cadaw isku arkaan. Marka uu taa dhameysto ama dugsi kale oo farsamo gacmeed xirfad leh ah ka soo baxo in uu heli karo shaqo uu ku dhisto noloshiisa isla markaana uu kaga maarmo kagana xoroobo waalidkii intaa soo dhan gacanta ku soo hayey.
Maxaad u maleyneysaa akhriste ilmahaa aan habeen dhib iyo kadeed toona arag sida ay noloshiisu kartidiisa iyo daacadnimadiisu ay noqon karto. Waxa laga yaabaa in aad la yaabtey sheekadan oo aad u aragtey in ay tahay mucjiso aan ka dhici Karin dalkeena hooyo ee Somaliland. Waxaan aaminsanahay in ay ka dhici karto haddii la helo siyaasiyiin maskax furan oo daacad ah, isla markaana jecel dalkooda iyo dadkooda, diyaarna u ah in ay wanaajiyaan mustaqbalka caruurtooda. Siyaasadda laguu sheegayaana intan uun bay tartaa dhalinyarada oo ah xooga dalka uu ku taagan yahay dhaqaale ahaan iyo mustaqbal ka fog ama ka dhaw intaba, oo ah in ay u abuurta saaxadan nololeed oo ka bilaabmaysa maalinta uu dhasho ilaa inta uu masuuliyad ka qaadayo.
Taa badalkiisa siyaasiyiinteena maanta joogta Somaliland dhamaantood waynu ka wada dheregsanahay in aaney hayn jidkan oo ah ka saxda ah ee waajib ku ah cid wal oo siyaasi ah. Hadda siyaasi waa cilmiga dawladnimadda halka ay dawladdi ka tahay meesha dad meel ku wada nooli ay dhaqaalahooda, caqligooda, aqoontooda/garashadooda, maalkooda, farsamadooda/xirfadooda, xoogooda/awoodooda, iyo aragtidooda siyaasiga ah isugu geeyaan. Waxaan u maleynayaa in haddii dawladnimo tan tahay shaqada siyaasigu in ay noqoto sida ay u fikirayaan siyaasiyiinta adduunka aynu kor ku soo xusnay. Ogowna nin waliba sagaal bilood buu ku dhashey illaahay baana dadka wada abuuray cid cid kale ka maskax iyo garasho badani ma jirto cadaan iyo madaw, lakin halka ay sartu ka qudhuntay waa daacadnimo, karti iyo aragtida hogaaminta siyaasadda dhabta ah.
Waxaan ku soo gunaanadi lahaa waar waa kan oo waynu aragnaa dhamaan siyaasiyiinteenii ina horbaadaysey e, muwaadin sidaa ayeynu uga tashanaa dhiig miiratadan qabiilka beenta ah inagu kala qaybisey. Ee kala ilaalinaysa in aynu isku nimaadno oo waxa inaga dhaxeeya ee aynu ka midaysanahay ka sheekaysano. Taa badalkeedana qabyaalad iyo qudhun inagu kala saareysa. Waxaan hubaa in sadexda Xisbi Qabiil ee aad kala taageeraysaan midna nolol idiin hayn, ee taa badalkeeda idinka daneysanayaan. Yaa ii sheegi kara ka ku dhiiranaya in uu nolashaa aan kor kaga soo sheekeeyey u bilaabayo dadkiisa xiliga ay doonta ha qaadato in lagu sameeyo e? Ma waxaad i odhan doontaa waa siyaasiyiinta KULMIYE, WADANI iyo UCID. Runtu waxa ay tahay in sadexdan iyo kuwa kale ee shaashadaha ka tafaxayteyba aaney ahayn kuwii dhibta idinka saari lahaa. Ogaadase cidna umay iman in ay dhib idinka saarto ee waa inay idinka faa’ideysato. Haddiise aad u baahan tihiin in dhibtan aad ka baxdaan waxa kaliya oo aad taa ku gaadhi kartaan in aad isku duubni iyo wadajir muujisaan oo aad la xisaabtantaan ragga iyo dumarka xilka idiin soo doontey ee xukun raadiska ah. Maalintaad fahamtaan uunbay idiin shaqeyn doonaan inta ka horeyse se dhiigiina ayey tuunbada kula jiraan waaney kula jiri doonaan ilaa iyo inta aad midoobaysaan. Ogooda waxa kaliya ee ay ka faa’ideysanayaan waa qabyaaladda iyo qudhunka aad ku dhex jirtaan dadweynow. Caqliga idin siiyey Abtirsada si aad ugu kala duwanaataan, idinkoo ka mideysan dhibta biyo la’aanta, cafimaad la’aanta, waxbarasho la’aanta, horumar la’aanta, shaqo la’aanta iyo tayo xumada siyaasiyiinta cadawga noloshiina ku ah ee idinku kala qaybinaya si aad damane u ahaateen yaga oo dhergeyna idinku dul yooyatamaan anigu garan maayo. Wa Bilaahi Tafwiiq.
Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The Univeristy of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.