Waa Maxay Sababta Muqdisho loogu Masaafuriyay dad lagu Qabtay Madaarka Caasimadda Hargaysa?
Hargeysa 11.June 2015 (SDN/QJ)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixisay dhallinyaro lagu qabtay madaarka Hargeysa oo dib loogu mustaafuriyey dhinaca Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya Salaasadii toddobaadkan.
Taliyaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya Genaraal Cabdillaahi Gaafaw Maxamuud oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho , waxa uu caddeeyey in dhallinyaro tiradoodu dhan tahay 5 xubnood oo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ka baxay maalintii Isniinta lagu qabtay madaarka Hargeysa, lana xidhayna, kadibna Dawladda Somaliland u mustaafurisay, dibna ugu celisay magaalada Muqdisho, isagoo arrintaas ku tilmaamay sharci-darro aanay Soomaaliya u dul-qaadan karin.
Hasayeeshee, Taliyaha Laanta Socdaalka ee Jamhuuriyadda Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf (Ina Cambaro) oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa maanta, ayaa sheegay in diyaarad siday 45 qof oo ka timi dhinaca Muqdisho ay soo gaadhay madaarka Hargeysa toddobaadkan, kadibna 5 ruux oo dadkaas ka mid ah noqdeen qaar aan sidan wax sharci ah oo ay ku galaan Somaliland, sidaas darteedna dib loogu celiyey Muqdisho, halka 40 ruux oo diyaaradaas la socday siteen dhukumantiyo sharci ah oo ay kaga gudbeen madaarka Hargeysa.
“Way jiraan dad aannu ka celinay madaarka caalamiga ah ee Cigaal, iyadoo sababta aanu u celinay ahayd in aanay sidan wax sharci ah oo ay ku galaan dalka Somaliland, waxay ahaan dad gaadhaya 45 qof ah oo ka soo degay madaarka, kadib markii aannu baadhnay 40 qof oo dadkaas ka mid ah waxay siteen sharci ama dhukumanti lagu socdaali karo, balse 5 ruux oo dadkaas ka mid ah may haysan wax dhukumanti ama sharci ah oo ay ku safraan, sidaas darteed ayaanu uga celinay madaarka Hargeysa, maadaama aanay haysan wax dhukumanti ah oo ay ugu kala safraan labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya,” ayuu yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland.
Waxa kaloo uu sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya yihiin labada dal oo kala madaxbannaan, isla markaana isugu safri kara hab sharci ah oo qudha, waxaannu yidhi; “Waxa aannu u sheegaynaa Soomaaliya in aannu nahay labada dal oo kala madaxbannaan oo iskugu safra dhukumanti sharci ah, sidoo kale dadka ka yimaad Itoobiya ama dalalka kale ee aannu jaarka nahay wixii aan sidan dhukumanti, sharci ama fiiso waannu celinaa, sidaas darteed, dalka Soomaaliya waxa uu noola mid yahay dalalka kale ee aannu jaarka nahay, iyadoo dadkayagu sifi sharci ah ugu safraan dalalka dariska iyo kuwa caalamkaba, sidoo kalena sifo sharci ayaa lagu soo geli karaa Somaliland.
Sida la ogyahayna dalka Somaliland waxa uu leeyahay baasaboor sharci ah oo dadkiisu ku safraan, kuna tagaan dalal badan oo ay sifo sharci ah ku galaan, isla markaana fiiso ku bixiya baasaboorka Somaliland, markaa dalkayagu uma baahna baasaboor kale, iyadoo sidoo kale baasaboorka Soomaaliya lagu iman karo Somaliland oo waxa uu la mid yahay baasaboorrada kale ee ajnabiga ah.”
Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland, ayaa sidoo kale iftiimiyey in aanay madaarrada Somaliland ka gudbi karin cid aan haysan wax sharci ah, waxaannu yidhi; “Haddii aannu nahay Somaliland waxa aannu aaminsanahay in cid kasta oo ka soo degaysa Somaliland ama ka soo gelaysa goobaha sharciga ah ee laga soo galo inuu sito dhukumanti lagu soo galo iyo aqoonsi muujinaya cidda qofka safarka ah yahay, haddii uu yahay muwaaddin reer Somaliland ah ama shisheeye ajnabi ah oo caddaynaya jinsiyadiisa, waana in qofku sito wax caddaynaya inuu yahay Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti ama dalalka kale ee adduunka, taasoo ah wax muujinaya caddayntiisa dadnimo, haddii aanu qofku sidan wax caddayn ah ma aamini karno, markaa si aannu u ilaalino amnigayaga waxa aannu ogolnahay qofkasta oo sita dhukumanti sharci ah.”
Taliye Maxamed Cali Yuusuf, waxa uu sheegay in dadka Somaliland ku safraan baasaboorkooda, kuna tagaan dalal badan oo adduunka, isagoo xusay in madaarka Muqdisho yahay meel lagu dhibaateeyo dadka sita baasaboorka Somaliland.
“Dadka reer Somaliland waa inay markasta sidaan baasaboorkooda oo ay ku safraan, waxaana dhacday in muwaaddin la yidhaah Cumar Jaamac oo Muqdisho kaga degay baasaboorka Somaliland in laga qaaday oo la xidhay, balse wax aannu anagu kaga jawaabnay taas ma jirto, qof Soomaali ah oo aannu dhibaato u gaysanayna ma jirto, laakiin waxa aanu celinay dad bilaa astaan ah. Ninka la yidhaah Gaafow ma caddayn karo in qofka aannu celinay yahay Somaliland-der ama Soomaali, waayo wax dhukumanti ah ma sidan, markaa haddii aannu nahay dalka Somaliland waxa annu ogolnahay qof kasta oo dhukumanti ama sharci sita oo wax xaqiiq ah oo la taaban karo noola yimaad, wax aan intaas ahayna ma soo geli karo dalkayaga, waxaana siyaasadayadu tahay in aanan soo dayn cid aan sidan baasaboor ama dhukumanti ay ku socdaalaan,” ayuu yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland.
Hargaysa SDN/QJ