Waa Maxay Saamaynta ay ku Fadhido Xubinimada Itoobiya ee Golaha Amnigu?
Addis Ababa 03.July 2016 (SDN/QJ):- Dawlada Itoobiya ayaa dhowaan loo doortay xubin aan joogyo ahayn oo ka mid ah Golaha amniga ee Waramada Midoobay, waxana ay xilkaa hayn doontaa mudada labada sanadood ah ee soo socda., hadaba waa maxay saamaynta ay joogitaankeeda golahasi ku yeelanayso xaaladaha qaaradda afrika gaar ahaan ta gobolkan geeska afrika ee ay itoobiya ka mid tahay.
Xubinimada Itoobiya ee Golaha amniga ayaa u dhigmaysa mid ay si wadajir ah uga shaqeeyeen dalalka Afrika gaar ahaan wadamada Urur goboleedka IGAD, iyadoo Itoobiya xubinimadan loogu abaalmariyey doorka miisaanka leh ee ay ku leedahay arimaha ka taagan gudaha Qaaradda Afrika, halkaas oo ay ciidamo badan oo ay leedahay hawlo nabad ilaaineed ku joogaan dalka dibadiisa,
Dhanka kalena itoobiya oo uu dhaqaalaheedu sanadba ka xiga kor u sii kacayo ayaa noqotay dal ay wax badani wadamada kale kaga xidhan yihiin taasina waxay sii xoojisay taageerada ay ku heshay inay xubin aan joogto ahayn ka noqoto Golaha awoodda badan ee qaramada midoobay, waxaana jirtay in dalalka Afrikaanku Itoobiya u xusheen musharaxnimada xubinimadaasi bishii janaury ee sanadkan, ka dib markii labadii wadan ee Afrikaanka ahaa ee booskaa quuddareeyey oo kala ahaa Kenya iyo Seychelles.
Taageero kale Itoobiya waxay ka heshay dalalka qaaradda latin Amerika oo uu magacooda ku hadlay Wasiirka arimaha Dibada ee Dalka Brasil oo muujiyey taageeradaay u hayaan xubin inay Itoobiya ka noqoto golaha Amniga, waxana wasiirka oo arintaa ka hadlaya uu yidhi sidan: ‘itoobiya marka loo eego waayo aragnimada balaadhan ee ay u leedahay hawlaha nabad ilaalineed ee Afrika iyo caalamkaba, waxa hubaal ah inay kaalin weyn ka qaadan karto hawlaga golaha amniga”
Dawlada Itoobiya oo ay dalka dibadiisa hawlo nabad ilaalineed kaga maqan yihiin ilaa 8000 oo askari ayaa waxay tahay dalka caalamka oo dhan ugu badan haweenka nabad ilaalinta u jooga dalkooda dibadiisa
Itoobiya oo ah xubnihii aasaasay Ururka Midowga afrika isla markaana ah Dalka martigeliyey ee ay xarunta guud ku taallo, ayaa waxay gadhwadeen ka tahay hawlaha nabad ilaalineed ee uu Ururka Midowga Afrika ka fuliyo gudaha Qaaradda, waxana ay
Itoobiya oo ah Dalka labaad ee ugu dadka badan Qaaradda Afrika ayaa waxa ay xiligan haysaa gudoomiyanimada Ururka IGAD, ururkaas oo dhexdhexaadin siyaasadeed oo xoogan ka wada Gobolka geeska Afrika gaara ahaan Jamhuuriyadda K/Sudan
Dawlada itoobiya waxay sanadkii 1946 saxiixday heshiiskii Qaramada midoobay lagu aasaasay, iyadoo labo jeer oo hore ay itoobiya golaha ammaanka xubin ka soo noqotay iyadoo ku metelaysay Magaca qaaradda Afrika, iyadoo markii ugu dambaysay ay ahayd sanadihii 1989 ilaa 1990-kii.
Dawlada itoobiya waxay qayb ku lahayd ciidamadii nabad ilalaineed ee Qaramada midoobay u diray jasiiradda kuuriya sanadihii kontameeyadii iyo Lixdameeyadii ee qarnigii ina dhaafay, halkaas oo ay muddo sadex sanadood gudahood ah Itoobiya ku weyday 121 askari oo nabad ilaalin u joogay Kuuriya.
Wasiirka arimaha dibada ee Dalka itoobiya oo ka hadlay xubinta uu dalkiisu ka noqday Golaha ammaanka ayaa waxa uu sheegay inuu rajaynayo in xubinimada Itoobiya ay faa’iido weyn u noqon doonto sidii nabad waarta looga dhalin lahaa meelo badan oo caalamka ka mid ah
Dadweynaha Itoobiya oo labadii maalmood ee u dambeeyey baraha xidhiidhka bulshada rayigooda kaga dhiibanayey xubinimada aan joogatda ahayn ee itoobiya ka noqotay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobaya ayaa waxay sheegeen in talaabadaasi tahay isbedel uu sameeyey wadankoodu
Khudbadii taariikhiga ahayd ee Boqor xayle salaasa sanadkii 1950 ka jeediyey qaramada Midoobay waxa uu xiligaa ku sheegay in xeerka Qaramada midoobay muujinayaan rabitaanka aadamaha laakiin ay u baahan yihiin in ficil loo bedelo.