“Waa laga Yaabaa in Qof iyo Laba ka Mid ah oo Xukuumada ku Jira Dookh idiin diido” Wasiir Cukuse DAAWO
Munich 16.Dec 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa Magaalada Munich ee Dalka Jarmalka kaga qayb galay munaasabad loo qabtay guusha ay Jaaliyadda Somaliland ee Magaaladaasi ka gaadheen in loo aqoonsatay Jaaliyad Rasmi.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in aanu jirin nin aan Madaxweyne Siilaanyo ahayn oo kursiga kaga tagi kara 80 cod.
sidaasna waxa uu ka sheegay xaflad jaaladda Magaaladda Bayern Munchen ee dalka jarmalku ay ugu dabaal-degayeen dawladda jarmalka oo jaaliyadda reer Somaliland u aqoonsatay jaaliyad iskeed u madax banaan