“Waa la yaab Suldaan Qori qaatay, cid kasta oo ka talawda xuduuda qaranimadana,Ciidamadu waxa ay ku amran yihiin in ay gacan buuxda ku qabtaan.”Madaxweyne Siilaanyo
Hargeysa:Jan,02,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Hadal xafiiskiisa lagaga soo duubay oo saxaafadda loogu talay, waxan uu kaga Hadlay arrimo shacabku dhexdiisa laga hadal hayo oo ay kamid yihiin Arrinta Suldaan Wabar oo dhawaan ku dhawaaqay hadallo ka dhan ah Qaranimada somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo oo Hadalkiisani ahaa mid loogu talo galay Curashada sanadka cusub ee 2015-ka, ayaa suldaanka arrintiisa ku sheegay mid looma fadhi ah, isla-markaana gef ku ah Milgaha saldanadda uu dhabarka ku sido,
“Baryahan Waxa soo baxayay Suldaan Ku Baaqayay Qalalaase Colaadeed iyo in qoriga la qaato oo qaranka la Dumiyo. Waxa aan leeyahay Somaliland waa qaran tashaday, qof keli ahina ma dumin karo, qaar hore oo isku dayayna way ku fashilmeen, shacabka Somaliland waa ka tashadeen qof wada qaloocan iyo qorshe guracan ku baaqaya.Waa la yaab Suldaan Qori qaatay, suldaan samo talis baa lagu ogaa, suldaan nabad baa lagu ogaa, dalka Somaliland waa dal nabdoon, dadkooduna waxa ay ku heshiiiyeen in ay codkooda isbedelka ku sameeyaan, qori lagama ogola, cid aan ahayn ciidamada amaanka. cid kasta oo ka talawda xuduuda qaranimada, waxa ay ku amran yihiin (Ciidamada Qaranku) in ay gacan buuxda ku qabtaan.Waa wax kala gaar ah tabashada iyo qaran dumisnimadu, kii tabanaya sida odayaashii dhaqanka ee halkan iigu yimid, waan soo dhaweynaynaa, waa u garaabaynaa, wixii ay leedahayna waanu marinaynaa, balse qofka sida suldaan Wabar qaran dumiska ah ee qoriga qaata waxa aanu ka qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu sidoo kale ka Hadlay Xafiiltanka xisbiga Kulmiye dhexdiisa ka jira iyo loollanka dibadda usoo baxay ee u dhexeeya Xubno wasiirro ah iyo Guddoomiye Muuse Biixi oo Murankoodu salka ku hayo Wakhti aan la gaadhin oo muddo badani haatan ka hadhsan yihiin, taas oo shacabka lagu wareeriyey, isal-markaana la isku colaadsaday.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu isagu yahay Qofka ku fadhiya kursiga la isku haysto, isla-markaana aanay Wax fiican ahayn in isagoo kursigii ku fadhiya, isla-markaana musharrax ah Dushiisa uu dagaal ku dhex maro xubno wasiirro iyo saaxiib dhaw la ah madxweynaha, waxana uu yidhi,“Waxa muuqatay in is maandhaaf iyo hirdan Kaadirkii Xisbiga Kulmiye qaar ka mid ahi maalmahan saxaafada isu marinayeen kuwaas oo bandhigayay damacooda siyaasadeed oo ku wajahan kursigan aan ku fadhiyo. Waxa aan leeyahay Kursigan aniga ayaa ku fadhiya oo uu xisbigu Ii Gartay, Mustaqbalkana waan u sharaxanahay, saxna maaha in aad isku kay dul qabsataan, wixii iga dambeeya ilaahay ha ina gaadhsiiyo.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxana uu intaas ku daaray, “Xisbigu waa xisbi dimuqraadi ah oo waa lagu tartamayaa dhexdiisa waxaana ina sugaya xisbiyo kale oo inala tartamaya, walaalayaal yaynaan cidlo ku xiiqin oo yaynaan wax aan joogin isku colaadin, meel dad joogona laga waayi maayo qardoofo ee aynu ilaalino wada jirka iyo midnimada xisbiga” ayuu yidhi.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidoo kale ka Hadlay arrinta Suldaan Wabarka Galbeedka Dalka Rabshadaha ka kiciyey, waxana uu sheegay in suldaanka Arrinkiisu ku qurux badnaa inuu Duurka kasoo baxo oo uu sheegto waxa uu tabanayo.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa si weyn uga damqaday Hadallo saxaafadda ay isku mariyeen Wasiir Samaale iyo Guddoomiye Muuse Biixi iyo waliba Munaasibado dhaqaale badani ku burburay oo labada Masuul dhoolatus u samaysteen.
SDN/QJ