|

Waa la Ogyahay In Somaliland ay dirir iyo dagaalba kula Jirto kooxda Alshabaab,Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha

Hargaysa 26.March 2014 (SDN)-Wasiirkuxigeenka arrimaha gudaha ee somaliland md Cisman Garaad Soofe ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeedhay maamulgoboleedka puntland oo ku saabsan in Somaliland xidhiidh la leedahay Al-Shabaab Wasiirku wuxu hadalkaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raadtoona lahay Somaliland aanay wax xidhiidh ah la lahay alshabaab oo wali ay Somaliland la dagaalanto kooxahaasi.

wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha(Waa la Ogyahay In Somaliland ay dirir iyo dagaalba kula Jirto kooxda Alshabaab siday ku dhici kartaa in Xidhiidh dhex maro) ayuu Yidhi Mudane Cismaan Garaad Soofe

dhanka kale Wasiirku xigeenka Amniga Somaliland wuxuu sheegay in ay Dacwad u gudbin doonaan Somaliya Taasi oo ka dhan ah Puntland oo ah maamul Goboleed ka tirsan Somaliya Maadaama oo ay Somaliya iyo Somaliland Wado hadalo u socdaan, taasi oo uu sheegay hadii ay somaliya ka qaban waydo Faro Galinta ay Puntland ku hayso Goboladada bariga Somaliland ay talaabo ka qaadi doonto Somaliland.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com

 

Comments are closed