“ waa la is khilaafi karaa, laakiin wax horumar Raggaadin kara oo Xoghaye” Maayarka Boorama
Hargeysa 24.Jan 2014 (SDN)-Maayarka Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal Saleebaan Xasan Xaddi ayaa sheegay inaan wax khilaaf ahi wakhtigan u dhexayn isaga iyo maayar ku xigeenkiisa.
Maayarka oo Hargeysa ku sugan ayaa warbaahinta u sheegay in Saxaafaddu buunbuuniso khaladaadka yare e arimaha shaqada ku saabsan ee masuuliyiintu isku qabtaan.
“ waa la is khilaafi karaa, laakiin wax horumar Raggaadin kara oo Xoghaye, maayar iyo maayar ku xigeen dhex maray ma jiro. Waa Arin Nin walba doorkiis leeyahay, Sharci-baana jira lagu kala socdaa, wax khilaaf ahina ma jiraan ee waxaan jecelahay sida hadalada yar ee Xanafta leh loo jecel yahay in wanaagana loo jeclaado” ayuu yidhi
Maayarka Boorama.
Warbaahinta qaar keed ayaa ilaa shalay baahinaysay Warar la xidhiidha khilaaf hore Maayarka iyo ku xigeenkiisa u dhex maray hase ahaatee ay xaliyeen Waxgaradka degmada Boorama oo dhexdhexaadiyay labada masuul.
Maayar Saleebaan Xaddi waxa uu tilmaamay inuu jiro Xeer kala xadaynaya shaqooyinka Maayarka iyo ku xigeenkiisa, isagoo xusay in hadda oo arimo shaqo isaga iyo xoghayaha Boorama Hargeysa u joogaan uu sii maamulayo hawlaha Dawladda hoose Maayar ku xigeenkiisa. “ Waa Shaqo uun, Shaqana waa lagu kala aragti duwanaan karaa ee wax khilaaf ahi ma jiro, haddii la wada hadlana Shaqada ayuunbaa keenaysa waanan ka wada hadlay, hawshaasina waa dhamaatay.” Ayuu yidhi Maayarka
Boorama.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com