|

Waa Kuma Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Qaranku,Muxuuse Ugu Suntan Yahay Qoyska Madaxweyne Siilaanyo Iyo Jamaahiirta Xisbiga Kulmiye, Wakhtigii Loolankii Riyaale Iyo Siilaanyo?

Hargaysa 01. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka iyo Tiknoolajiyada ee uu todobaadii tegay Madaxweyne Siilaanyo xilka u magacaabay Axmed Xaaji Daahir waa mid ka mid ah Masuuliyiintii ugu tunka weynaa ee Xukuumadda Daahir Riyaale Doorashadda lagaga guulaystay,waxa uu sidoo kale ka soo jeedaa Gobolka Awdal ee Galbeedka Somaliland isagoo ka dhashay sida la sheegay qoys ilbax ah oo caanka ah Caasimada Gobolkaasi ee Borama.

Kadib markii Todobaadkan Madaxweyne Siilanayo Masuulkan u magacaabay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka waxa mar qudha si weyn loo qaadaa dhigay taariikhdiisii iyo Ninka uu yahay Masuulkani,Waxa markiib miiska lasoo dhigay oo si weyn loogu qaadaa dhigay baraha Xidhiidhka Bulshada iyadoo si gaar ah loogu dul istaagay taariikhdiisii dhawayd ee uu kaga mid ahaa Xukuumaddii Daahir Riyaale ee UDUB, iyadoo ay si gaar ah fajac iyo amakaag ugu riday taageerayaashii Xisbiga Kulmiye ee sida gaar ah u hayay taariikhda Masuulkani ku suntan yahay,iyo sidii uu geed dheer iyo midka gaaban ugu soo fuulay inaanu Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo oo ahaan Musharaxii Xisbiga Kulmiye u urin Kursiga dalka looga arimiyo ee uu nasiib wanaag hadda ku fadhiyo.

Wararka iyo Xogaha laga bixiyay Taariikh Axmed Xaji Daahir ayaa sidoo kale lagu daray,maadaama oo uu ka mid ahaa Wasiiradii ugu tunka waynaa Xukuumaddiii Riyaale,inuu lug kulahaa islamarkaana uu hormood ka ahaa falkii Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwa Aamina Waris Sheekh Maxamuud Jirde loogu diiday shaqadii ay ka heshay hay’adda UNDP-ada sidoo kale waxaa lagu xasuustaa dagaalkii qadhaadhaa ee u dhexeeyay isaga iyo guddoomiyihii KULMIYE Axmed Siilaanyo, kaasoo sababay inuu wasaaraaddii warfaafinta ka caydhiyo hablo ka soo jeeda gobolka Togdheer gaar ahaan Bariga Burco.

Qoyska Madaxweyne Siilaanyo ayaa Somaliland u jeexay Dhaxal Cusub oo in lagaga daydo wanaagsan,waxa ay gabi ahaanba muujiyeen mudakarnimo siyaasadeed iyo inaanay siyaasado lahayn aargoosi dambe iyagoo kuraasta Xukuumadda wax ka siiyay raggii ugu dagaalka adkaa Wakhtii uu siilaanyo kursiga dalka looga arimiyo u ordayay,Waxaana ugu dambeeyay masuulkan Doraad xilka wasiirnimo loo magacaabay.

Comments are closed