|

Waa Kuma Madaxweynihii 33ka Maalmood Xukumayey Dalka Maraykanka? & Asaraarka Qisadiisa DAAWO

Washington 10. November 2016 (SDN/QJ):- Markii ay taariikhdu ahayd 4tii bishii March ee sanadkii 1841kii ayaa lagu dhawaaqay guusha uu ku hantiyay xukunka Madaxweynihii 9aad ee dalkaasi Maraykanka William Henry Harrison oo waqtigaasi da’diisu ahayd 68jir.

william-henry-harrisonWaxaana loo diyaariyay Faraskii uu fuulli lahaa Madaxwaynaha cusubi markii uu u sii jeeday dhinaca gobolka Pennsylvania si loogu caleemo saaro, isagoo ay wehelinayeen ku dhawaad 50kun oo ka mid ahaa muwaadiniintii dalkaasi Maraykanka, balse Madaxweyne William muu ogeyn inuu guusha uu ku guuleystay tallada dalkaasi ay tahay sababtii uu ku waayi lahaa naftiisa.

Haddaba, warbixintan oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay jarriidada Desartnews oo qortay qisadii Madaxweynihii 33ka maalmood ee qudha ka talinayay dalkaasi, islamarkaana Aqalka cad ee Maraykanka ku jiray 32 maalmood intii aanu dhiman ka hor “Waxay qaadatay khudbadii Madaxweyne Willaim saacad iyo 40 daqiiqo iyada oo roob aad u badan da’ayay sidoo kalena qabaw aad u badani saameeyey dadkii goob joogayaasha ahaa, waxaanu diiday inuu gashado koofiyad ilaa iyo inta laga caleema saarayo, waxaanu ka noqday Pennsylvania isaga oo uu kicitimay Aqalka cad ee Maraykanka isagoo dareemaya daal aad u badan.

Waxa uu galay dabaqa sare ee Aqalka cad ee Maraykanka waxaanay bilaabeen caawiyayaashiisii la socday inay u duugaan lugaha iyo gacmaha maadaama oo Madaxweyinihii cusbaa dareemayo daal, waxaanu awood uu yeelan kari waayay sidii uu ugu mahadnaqi lahaa dadkii soo booqday ee u hambalyaynayay ee ka soo qayb galay xaflada Caleemo saarka”.

Waxa kale oo ay jarriidadu intaa ku darty Wareysi ay la yeelatay nin taariikhyahan ah oo u dhashay Maraykanka oo la yidhaa Daniel Walker Hui “Willaim waxa markii ugu horreysay ku dhacay Hargab yar oo fudud oo markii danbe isku badalay Infuction, kaasoo wax yeeleeyay hab-dhiska neefsashada, sidaa awgeed dhamaan dadaaladii ay galeen dhakhaatiirtii waqtigaa ugu khatarsanaa dalkaasi Maraykanka oo dhan si loo badbaadiyo ama dawo loogu helo, laakiin waxa uu bilaabay in laga waayo guux iyo garriirba kadib markii uu saddex wiig ku jiray Aqalka cad, waxaanu geeriyooday 33 maalmood kadib markii uu galay Aqalka cad, isagoo sidaa ku noqday Madaxwaynihii ugu muddada gaabnaa ee soo maray dalkaasi Maraykanka”.

Comments are closed