Waa Kuma Hoggaamiyaha Cusub ee Al-shabaab Dooratay?
Barawe:Sep,07,2014(SDN/QJ)-Kadib Dilkii Maraykanku u geystay Hoggaamiyihii ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, ayey Xarakadu ku dhawaaqday inay Dooratay Hoggaan Cusub oo Dadka Badankooda Maqalkiisu ku cusub yahay.
Kooxda ayaa dilka Hoggaamiyahooda kadib shalay uun shaaciyey inay Hoggaanka Ururka u doorteen Ninka Lagu Magacaabo Axmed Cumar Abu cubayda oo loo yaqaano axmed Diiriye, kaas oo kooxda dhexdeeda si weyn looga yaqaano, isla-markaana Hawlo Badan oo ad adag ururka usoo qabtay.
Haddaba Hoggaamiyaha Cusub ee Uurka Loo doortay oo ah Axmed Diiriye, waxa uu ururka dhexdiisa kanoqday Xubin firfircoon oo caan ku noqday Hawlkarnimo iyo daacanimo uu u hayey Hoggaamiyaha Geeriyooday ee ururkaas.
Ka hor intii aanu ku Biirin ururka waxa la sheegay inuu ahaa macallin Qur’aanka ka dhiga Magaalada Kismayo oo uu hore u degenaan jirey, waxana Da’diida lagu sheegay inuu yahay nin ku jira Da’da Afartamaadk oo dhallinyaro ah.
Sidoo kale intii uu ururka kamid noqday waxa uu noqday nin is muujiyey oo hoggaanka ururka tusay Kartidiisa, waxana ay taasi ka dhigtay in loo magacaabo Hogaanka ururka u qaabilsan Gobollada Bay, Bakool iyo Gedo.
Axmed Cumar Abucubayda waxa la sheegay inuu saaxiib dhaw la ahaa Hoggaamiyaha Geeriyooday, isla-markaana uu xagga fikirka iyo Aragtida kala midaysnaa.
Waxaa la sheegay inuu abaabulay weerarkii lagu khaarijiyay Abu Mansur Al-Amriki oo Mareykan ahaa, kaas oo si weyn uga soo hor-jeeday hoggaaminta Axmed Cabdi Godane.
Axmed Diiriye ayaa sidoo kale la sheegaa inuu qab-qabtay xubno badan oo isugu jiray Soomaali iyo ajaaniib xilligii kacdoonka gaaban uu ka jiray magaalada Baraawe sanadkii hore, kuwaas oo badankoodu kasoo jeedeen gacantii adkayd ee HOggaamiye Godane.
Wuxuu hore ula shaqeyn jiray Ibraahim Afghan waagii uu madaxda ka ahaa gobolka Jubbada Hoose ee aanay isku dhicin hoggaamiye Godane.
Wuxuu ku dhashay gobolka is-maamulka Soomaalida ee Itoobiya, walow uu waqtigiisa badankiis ku qaatay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Hoggaamiyahan cusub ayaan isagana sidii Axmed Godane laga Haynin sawirro badan oo dhinaca Warbaahinta ah, waxana uu ka mid yahay masuuliyiinta jecel inaanu sawirkoodu ku dhex baahin Warbaahinta dalka iyo midda caalamiga ahba.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com