31 Jir 31 Cisho Xilka Hayay:Waa Kuma Cabaas Siraaji Wasiirkii ugu da’da Yaraa ee Golaha Wasiiradda ee Dawlada Federaalka ee Xalay la Khaarajiyey? DAAWO
Muqdisho 04. May 2017 (SDN/QJ):- Ciidan la socday Hanti-dhowrka Guud ee dalka Nuur Farax, ayaa Xalay toogtay wasiirka howllaha guud iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya Cabas Cabdullahi Siraaji, Dilka Wasiirkan ayaa ka dhacay agagaarka Madaxtooyadda Villa Somalia ee Magaaladda Muqdisho.
Marxuum Cabaas ayaa ka mid ahaa wasiiraddii la dhaariyay bishii March ee sanadkan, waxaana uu ahaa wasiirkii ugu da’da yaraa ee abid kasoo muuqda wasiirada Soomaaliya, sidoo kallana waxaa uu ahaa xildhibaan laga soo doortay magaalladda Kismaayo.
Marxuum Cabaas, oo 31-jir ahaa ayaa waxaa uu wax ku bartay kuna bar-baaray xeradda Dhadhaab ee dalka Kenya, ka hor inta siyaasada uusan kusoo biirin.
Marxuun Siraaj Waxaa uu Xilka hayay Mudo 31 Cisho ah Taas oo ka dhigaysa 31 Jir Xilka Wasiirnimo hayay 31 Maalmood Ilaahay ha u Naxariisto.