|

“Waa Kaas Hogaamiyahayagu Waa Aragtidii Madaxweyne Siilaanyo ee Warbaahinta Dawlada Xiligii uu Mucaaridka ahaa {DHAGAYSO oo Wax ka DHEH}.

siilaanyo
Hargaysa 21.Oct 2015 (SDN/QJ)- Siyaasiyiinta Qaaradan Madow ee Africa Xiliga ay ku Jiraan Ololaha Doorasho Waxaa ka soo Burqada Balanqaadyo Beer laxawsi ah oo ay rabaan inay Shacabka ku hantaan.

Waxay ku hadlaan Wax kasta oo ay u arkaan inay ku helayaan Kalsoonida Ummadda.
Hasa yeeshee Marka uu Fadhiisto Kursiga uu u Cararayay Waxa uu Ilaawaa Balanqaadyadii Tirada badnaa ee ay Suurto galka tahay inuu Weli ka sii Guuxaya Dhegaha Shacabkiisa.

Waxaa Maankiisa ka baxa in Saxaafad aan Xadhig iyo Xabad ka baqayni ay soo bandhigi doonto dhawaq kasta oo beer laxawsi ahaa.
Madaxweynaha Haatan ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Muxuu ka Shabahaa Siyaasiyiinta Africa, Meel kale ka eegi mayno Maxay ahayd aragtidiisa la Xidhiidha Warbaahinta Dawladu Maamusho Xiligii uu Mucaaridka ahaa oo aynu Ku Sifayn Karno Maan baray Iyo Maan Bilaal.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO BARNAAMIJKAN OO QURBEJOOG.COM IDIIN SOO DIYAARISAY
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/AragtidiiSiilaanyoeeWarbaahintadawlada.mp3″]

Hargaysa SDN/QJ

Source Somalidiasporanews.com

contact@qurbejoog.com

Comments are closed