|

“Waa inaan arintu inaga noqon Midi-midi ku taag iyo Gole dhexe iyo Guddiyo fulineed oo is-bar-bar socda” Wasiirkii hore ee Ganacsiga Daawo

midi mid ku taagHargaysa 28.May 2014 (SDN/QJ)- Wasiirkii hore ee Ganacsiga Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa Maanta Waxa uu ugu baaqay dhinacyada ku Loolamaya Khilaafka Xisbiga Kulmiye in Si Miyir Qabta ay u Xaliyaan Muranka ka dhex oogan Xisbiga Gudihiisa .

Wasiirkii hore oo ka hadlayay Madal uu Xilkii Wasaarada Ganacsiga ku Wareejinayay ayaa Waxa uu ugu baaqay dhinacyada isku haya in laga wadaxaajoodo waxyaabaha la isku hayo, Wasiirka hore ayaa Hogaanka Kulmiye iyo Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inay dhameeyaan Khilaafka oo aan dalku u baahnayn

Wasiirka hore ee Ganacsiga ayaa xilkiisa ku waayay khilaafka Kulmiye ka dib markii uu diiday amaro madaxweynuhu siiyay si uu ula safto Garabka Xukumadda, balse uu arinkaasi diiday, lana saftay Muuse Biixi garabkiisa.

Hargaysa SDN/QJ

Contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed