|

Waa in Wadahadallo Nabadeed lala Furaa Maamullada Puntland iyo Ahlusunna – Danjire Kay.

Muqdisho,24july,2015(QJ/SDN)-Ergeyga Qaramada Midoobay ee Somalia, Nicholas Kay ayaa soo dhaweeyay caleema-saarka Madaxweynaha Maamulka KMG ee Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed ee maanta ka dhacday degmada Cadaado ee Gobolka Gal-guduud.

 

Danjire Nicholas Kay ayaa u Hambalyeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Farsamada, Ergooyinka iyo Dhammaan Shacabka Galmudug ee Suuro-galka ka dhigay Xafladdan Caleemo-saarka ah.

 

“Waxaan dowladda Somalia iyo Maamulka KMG Galmudug ku dhiirri-gelinayaa inay ku dhaqaaqaan dib-u-heshiisiin iyo Wadatashi, si dhab ahna ugu hawlgalaan xallinta wixii khilaafaad kala dhexeeya Ahlusunna iyagoo u maraya Wadahadal iyo wadatashi si loo helo xal waara,” ayuu yidhi danjire Kay.

 

Wuxuu intaas ku daray danjiruhu “Beesha Caalamka waxaa ka go’an hirgelinta heshiiskii ay Magaalada Garoowe ku kala Saxiixdeen Dowladda Federaalka Somalia iyo Puntland bishii Oktoobar 2014-kii oo beelaha ku nool maamullada Puntland iyo Galmudug u suuro-gel uga dhigaya inay nabad ku wada noolaadaan.”

 

Ugu dambeyn, Kay ayaa yidhi. “Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay taageero bixiso maadaama aan horey u soconayno, idinkuna aad wajahaysaan caqabado cusub. Waddada idinka horeysa ma aha mid Xaarxaaran oo waddo siman ama mid fudud, balse waxaan ku kalsoonahay inaad guuleysan doontaan idinkoo leh adkeysi iyo go’aan adag.”

 

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Galmudug ayaa oo la doortay 04-tii bishan July, iyadoo maantana si rasmi ah loogu caleemo-saaray xilka madaxweynaha, isagoo wixii maanta ka dambeeya wajaha caqabadaha kaga imaanaya Ahlusunna iyo Puntland.

 

Comments are closed