|

“Waa in Ururka SOLJA ay anshax-marin ku sameeyaan Wargayska Foore aniguna maan tanaasulin” Murashax Jamaal Cali Xuseen

London, 09.June 2015 (SDN/QJ)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa caddeeyey in Mr. Jamaal Cali Xuseen yahay murrashaxa rasmiga ah ee jagada madaxweynaha xisbigooda, iyadoo ay si kulul u beeniyeen in Mr. Jamaal Cali Xuseen ka tanaasulay murrashaxnimada UCID.

Jamaal-CALI-XuseenWargeyska Foore ee ka soo baxa magaalada Hargeysa, ayaa caddadkii shalay ku baahiyey war ay ku sheegeen in ilo-wareedyo xogogaal ah ka heleen oo iftiimiyey in Jamaal Cali Xuseen ka tanaasulay murrashaxnimada xisbiga UCID, isla markaana ay jagadaas isku sharixi doonaan rag miisaan leh oo wargeysku tilmaamay inay ka soo bixi doonaan xisbiga KULMIYE, kuna biiraya UCID.

Hasayeeshee, murrashaxa xisbiga UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen oo safar dalka dibadiisa ah ku maqan, ayaa qoraal uu soo saaray ku caddeeyey in aannu wax tanaasul ah ka samayn murrashaxnimadiisa, isla markaana wararka laga baahiyey yihiin qaar been-abuur ah oo aanay waxba ka jirin, isagoo baaq codsi ah u diray ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Adduunyada ninkii noolow maxaa aragti kuu laaban. Wargeyska Foore la yidhaa waa kuwii ugu beenta badnaaa sannadkan. Adeer goorma ayey aftida ka qaadeen aniga iyo Cabdirashiid (murrashaxa madaxweyne-ku-xigeenka UCID) in aannu ka tanaasuleyno? Meesha ma KULMIYE ayey moodeen? Waa in Ururka SOLJA ay anshax-marin ku sameeyaan, shacabkuna ha ogaadaan been bay iibiyaane. Adeer maan tanaasulin, imikaanba cirka marayaaye sidee ayaan u tanaasulaa. Xukuumadda ayaa iyadu wararkan beenta ah dabada ka wadda markay ogaatay in jaraa’idka xaqiiqda qoraa inay sheegeen in rag waaweeyn oo siyaasiyiin ah ay dhawaan xisbiga UCID ku soo biirayaan, iyagoo taageersan murrashaxnimada Jamaal iyo Cabdirashiid. Imika ma tanaasul bay marayaan. Waa rafadka ay rafanaysay. Ururka SOLJA ayaa laga doonayaa inay tallaabo sharciga saxaafadda waafaqsan ka qaado wargeyska Foore,” ayuu yidhi Mr. Jamaal Cali Xuseen.

London SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed