Waa in si wayn loogu diyaar garoobaa xuska 18ka may oo fooda inagu soo haysa
18-ka bisha May ayaa ah mid aniga iyo dhamaan umadda reer Somaliland-ba noo ah maalin farxadeed isla markaana qiimo badan noogu fadhida. Waa maalin wixii inoo qabsoomey dhinaca dawladda lagu soo bandhigi karo, waa maalin shacabka la tusi karo in wadanku uu yahay mid jidkii horumarka cagta saarey, waa maalin midnimada iyo wada jirka mar kale la sii xoojin doono, waa maalin looga fa’ideysan karo in si mug leh loo soo bandhigo fikirka ictiraaf raadinta Somaliland.
Waa maalin Somalilandernimo.
Waa maalintii shacabka Somaliland u muujin lahayeen qaranimadooda beesha caalamka. 18ka May Waa maalintii la ogaan jiray cid kasta oo reer Somaliland ah iyo meel kasta oo ay joogaan, marka qaarad kasta iyo wadan kasta laga soo hambalyeeyo munaasabadda maalintani leedahay.
Goobtu waxay ahayd Caasimadda labaad ee Somaliland,taariikhduna waxay ahayd 18-ka bisha May 1991kii Damaashaadka iyo farxada ay cirka isku shareeray farxad aan la qiyaasi Karin ayaa lala yaacay, ka dib markii magaalada Burco oo uu ka socday shirkii koowaad ee beelaha Somaliland lagaga dhawaaqay go’aamadii najaxay ee ahaa inay Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideedii , isla markaana ay ka go’day dalwaynihii beenta ku dhisnaa ee la odhan jiray jamhuuriyadda somaliyeed.
Warka ku dhawaaqidda madaxbanaanida Somaliland oo ay habeenimadii ka dambaysay maalinimadii 18-ka may baahisay idaacadda raadyow hargaysa waxa cirka isku shareeray sanqadha iyo iftiinka rasaas boqolaal xabo gaadhaysa oo laga ridayey qoryo kala duwan oo ay ka midyihiin boobayaasha fudud iyo kuwa lidka diyaaradaha,waxayna taasi qayb ka ahayd dabaal-degii ku saabsanaa go’aankii ku dhawaaqidda madaxbanaanida Somaliland.Ka dib markii lagu dhawaaqay go’aankii madaxbanaanida waxa magaalada Burco lagu soo dhisay dawlad ka kooban Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen iyo gole wasiiro ah, waxayna xarunta dawladaasi noqotay magaalada hargaysa oo ah caasimadda Somaliland…
Madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliland –na wuxuu noqday C/raxmaan Axmed Cali (tuur), Madaxweyne-ku-xigeena waxa noqday Xasan Ciise Jaamac oo waqtigaa isu ahaa labadoodu Gudoomiyihii iyo gudoomiye-ku-xigeenkii ururka SNM ee qabsaday goboladii Waqooyi ee Jamhuuriyadii Soomaaliya, ka dib markii si fool xun looga saaray canaasiirtii iyo taliskii keligii taliye Siyaad Barre.
Haddaba waxaa fooda inagu soo haysa oo aynu xusidoonaa sannad-guurada 21-aad ee xuska 18-ka May oo ah maalinta dib u yagleelida madaxbanaanida Somaliland taas oo ay inaga xigto bil uun , waxaana la filayaa in siweyn looga dabaal-degi doono goob kasta oo ay ku sugan yihiin umada reer Somaliland dal iyo dibad-ba.
Waxanaan shacabka Somaliland gudo iyo dabadba ka codsanayaa inaynu maalintan qaaliga inagu ah aan siwayn usoo dhawayno oo aynu cadawgeena tusno inaynu nahay dad ul iyo diir isku ah melena uga soo wada jeeda mawqifa dalkooda waxaan si gaara uga codsanayaa jaaliyada Somaliland ee ku nool dalka Canada inaynu siwayn iskugu soo baxno oo aynu mawqifkeena muujino iyadoo magalo madaxda Canada Ottawa lagu qabandoono mudaharaad ku waajahan gooni isku taaga madaxbanaanida somalialand oo dhici doona malinta 18ka may hadaba waa inynu tusnaa cadawga dalkeeenu leeyahay inuu dalkani yahay dad isku wada mawqif ah melena uga soo wada jeeda rabitaankooda iyo mustaqbalka dalkooda .
Allah mahad leh…
By: gudoomiyaha dhalinyarada Somaliland Ottawa
Mr: Mohamed Ahmed Cige (mohamed case)