|

Tirada Dadka Loo Qoondeeyay inay Ku Sugnaadaan Hoolka ay Ka Dhacayso Doorashada Madaxweynaha Cusub ee 4-ta Sano ee Soo Socda Somalia Hogaamin doono & Halka ay Ka Kala Imanayaan DAAWO

Muqdisho 08. February 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Maanta Magaaladda Muqdisho ka Dhacaysa Doorashada Madaxweyne ee Somalia Waxaa Loo Qoondeeyay inay Hoolka ay Doorashadu ka dhacayso Soo Galaan 329 Xildhibaan golaha shacabka iyo aqalka sare,24ka Musharrax Madaxweyne iyo 24 kooda kaaliye, Inkasta oo Tirada Murashixiinta ay Laba Ka Mid ahi Tanaasuleen,Suxufiyiinta gudaha iyo dibadda oo ka kooban 80 xubnood,Goobjoogayaasha Caalamiga ah oo laga siiyay 80 xubnood.

Sidoo Kale Waxaa Madasha soo Gelaysa Guddiga anshaaxa doorashada oo ka kooban  10 xubnood iyo saraakiisha amniga gudaha xarunta doorashada oo ka kooban 48  Qof.

Dadkaas waa ka qeybgalayaasha doorashada Madaxweynenimo ee Soomaaliya ee Maanta Ka Dhacaysa Magaaladda Muqdisho.

Wadarta dadkaas waa 595 Qof,waxaana ay noqon doonaan dadka goobjoogga ka ah halka ay ka dhaceyso doorashada madaxtinimada Soomaaliya,waxaana hoolka oo qaada 600 oo Qof ka dhiman 5 qof oo kaliya,Marka Dhanka Kale laga Eegana Waxaa Tiradaas ka Go’aysa Hal Xubin Maadaama Labada Murashax ee Tanaasulay uu Mid ka mid ah Siiba C.raxmaan Faroole uu ka Mid Yahay Xildhibaanadda Aqalka Sare.

Comments are closed