“waa foolxumada siyaasada ay xukuumadani dalka ku hogaaminayso Sababta keentay in siyaasiinta reer laascanod ay hal hal uga siibtaan somaliland kuna biiraan….”Xildh. Buubaa.
Hargaysa:Aug,13,2014(SDN/QJ)-Afhayeenka Xisbiga Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa ka Hadlay SHirkadaha Shidaal qodista u jooga Goobo ka mid ah Somaliland oo qaarkood weerarro loogu geystay Halkii ay shidaalka ka qodayeen.
Mudane Buubaa oo warbaahinta u warramay, ayaa xusay in shirkadahaasi ay dalka ku joogaan Sharci darro, isla-markaana wixii dhibaato ah ee soo gaadha lagala xisaabtami doono ciddii markii horeba dalka sharci darrada kusoo gelisay.
“horta marka horeba waynu ka war haynay oo xukumadan maanta jirtaa waxaa ay si baahsan oo fool xun iskugu balaadhisay shirkado caalami ah oo ay heshiisyo la soo gashay sharciga aan wafaqsaneen oo ay macdan iyo shidaal ay yidhaadeen dalka ayey ka badhayaan. Intaynaan shirkadahaas ka hadal shirkadan aad I waydiisay ee xalay la soo rasaaseeyey iyo tii horeba wadanka uga baxday ayey naan ka hadal ayanu u eegno in ay waafaqasan yahiin sharciyada iyo qaanuunka wadankan u yaala way baal marsan yihiin waana taas maanta sababta u ah in bulshadii reer somaliland iyo shirkadahii ay xukuumadu dabada ka waday ay is fahmi wayaan hore ayaana loo yidhi hal xaaran ahi nirig xalaal ah ma dhasho” ayuu yidhi Ibraahim Mahdi buubaa.
Xildhibaanka oo ka Hadlaya cidda qaadaysa Masuuliyadda khasaaraha shirkadahaas gaadha ayaa yidhi,
“waxan leeyahay shirkadaha wadanka yimid ee la keenay marka horeba sharci kumay imin wax kasta oo soo gadhana masuulyadeeda cidii keentay ay dhabarka loo saarayaa xukuumadana waxaa loogu taag la,yahay sharciyadii ay ku yimaadeen iyo hishiisyadii lala galay sharciyada soo mariya oo golayaasha sharci dajinta keena oo sharci ka dhiga mid kale ee xukumadii loogu tag la,yahay oo ilaa iminka loogu kari la,yahay waa xeerkii shidaalka ee u dhaxeyey ninka deeganka ah ,xukuumada talada haysa iyo sharaa,iga wadanka la keeno ayaa loogu tag la,ayhay in ay keenaan xeerkii u dhexeyn lahaa ee ay ku wada shaqeen kari laheyeen waxana ay xukuumadu damac santahay in ay xukuumadu mad madow kula shaqeyso oo ay kolba meel modow u joogsato waxooga lacag ahna ay kaga taabato umana aragano in ay ka tahay daacad oo wadanka khayraadkiisa la soo saaro”
Mudane Buubaa oo ka Hadlay goosashada qaar ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda bariga Somaliland ee dhinaca garowe Hungureeyey, ayaa tilmaamay inay ka mid tahay siyaasad xumada xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxana uu yidhi,
“waa fool xumada siyaasada ay xukuumadani dalka ku hogaaminayso asbaabta keentay in siyaasiinta reer laascaanod ay hal hal uga siibtaan somaliland kuna biiraan khaatumo iyo putland waa siyaad xumada xukuumdani ay ku hogaaminayso dawladahii hore ee jiray may dhaci jirin in rag miisaanka culayskaa siyaasadeed leh in ay sidaa dhibka yar uga siibtaan somaliland kuna biiraan meelo ka soo hor jeeda qadiyada somaliland waa arin aan odhan karo dad waxay ka mid yihiin rimaha ay is waydiinayaan dadweyanaha reer somaliland ee ah xukuumadani daacad ma ka tahay jiri taanka iyo qadiyada somaliland waxaa ay ku tusinaysaa talaabooyinka foosha xun ee lagu hal siibanaayo ee nin nin looga saarayo ee ay xukuumadani dabada ka riixayso kana saarayso siyaasiyintii cul culcuslayd ee gobalka sool u dhalatay in ay tahay mid ay ku kala dhantaalayso jiritaanka somaliland waana arin xun oo sababi kartaa in ay somaliland gobol gobol u kala go,do”
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com