|

“Waa baadil qaabka hadda Xukuumaddu u doonayso inay ku wareejiso Haamaha” Xildhibaan Naasir X.Cali Shire

Hargaysa 16.Sep 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ah Xldhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa baadil iyo sharci daro ku tilmaamay heshiis walba oo ay Xukuumaddu gasho oo aan la hor keenin Golaha wakiilada,, waxaanu sheegay in cida eegaysa, heshiisyada, ee masuuliyadi ka saaran tahay inuu yahay Barlamaanka, waxaanu tilmaamay inay Xukuumaddu caado ka dhigatay inay heshiisyo Barlamaanka la hor keenin iska gasho.

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale xusay in Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiiladu uu jabiyey sharcigii kuna xad gudbay xeer hoosaadkii Golaha, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Qodob ka mid ah Dastuurku waxa uu si cad u sheegayaa inay Dawladddu awood u leedahay inay hantida umadda kirayn karto, balse waxa uu qodobku si cad u sheegayaa si waafaqsan xeerka, xeerkaas oo mabaadiidiisa aasaasiga ah lagu qoray qodobka 12-aad, waxaana xeer loogu talagalay inuu Qaranku ku shaqaayo, oo ah sidee baa lagu takri falayaa hantida Qaranka, hase yeeshee Xeerkaasi ma sameeysna, iyada oo xeerkaasi sameeysnayn sababta ay Xukuumaddu hantida Qaranka ku wareejinayso, ama ku kiraynayso halkee bay ka keentay, waxaana halkaas ka muuqata in aanay haba yaraate u bananaanayn inay wareejiso. Haddaba madaama aanu Xeerkani qeexnayn waxa jira xeerar kale oo ka farcama Dastuurka, oo ka hadlayaa in Ganacsi suuqa ee dalku uu noqdo xor, maahana in dad gaar ah kooto loo xidho, dhaqaale buurana helaan, waxaanu qof kastaa xaq u leeyahay inuu tartamo”.

Xldhibaan Naasir Cali Shire ayaa mar uu ka hadlaayey Haamaha iyo in la wareejin karo ayaa yidhi “Waxa loo baahnaa in marka hore la sameeyo cilmi baadhis ku saabsan Haamaha, oo ah maxay u baahan yihin, Sannadkii hore maxa ayu baahnaayeen, markaas anagu waxa aanu kaga soo horjeednaa qodobadaas aasaasiga ah, sidaas darteed waa baadil qaabka hadda Xukuumaddu doonaysi inay ku wareejiso Haamaha”.

Xildhibaan Naasir ayaa mar uu ka hadlaayey Golihiisa waxa uu yidhi “Waxa jira boqolaal heshiis oo ay Xukuumaddu gashay oo aan midna la hor keenin Golaha Barlamaanka, shaqada Barlamaanka waxa ka mid ah inuu shuruucda ku ilaaliyo Xukuumadda, waxaana cad inay Xukuumaddu jabisay qodob dastuuriya oo ah heshiisyada ay galayso oo aanay keenin Golaha, heshiis kasta oo ay Xukuumaddu gasho oo aan Barlamaanka la hor keenina waa baadil iyo sharci daro, waayo cida ansixinaysa ee eegaysa in qaabkii saxda ahaa loo maray iyo in aan loo marin waa Barlamaanka, Xukuumaddani kulmiye markii ay Mucaaradka ahayd waxa ay aad uga qaylin jirtay waxa ka mid ah qodobadan ay ku dhaqmaysa,maalin walba waxa la wareejinayaa hantidii umadda haddana laga hadli mayo”.

Comments are closed