|

Waa ayo Xildhibaanka Ugu Soo Horreeya Liiska Xil-sugeyaasha Golaha Wakiillada Ee Buuxin Doona Xubinnimada Cabdiraxmaan-Cirro Banneeyo?

Hargaysa 06. August 2017 (SDN/QJ):- Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Arbacadii Iska Casilay Xilkii Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda oo uu Soo hayay Mudo ku siman 12 Sanno.

Gudoomiye Cirro ilaa hada waxa uu iska Casilay oo Keliya Jagada Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, Balse Istiqaallada Xubinnimadii Xildhibaan ee Gobolka Laga Soo Doortay ee Saaxil Way U Hadhay, iyadoo sidoo kalela filayo in xubinnimadii golahaasi uu ka tirsanaa uu bannayn doono dhawaan, iyadoo booskiisa uu soo buuxin doono  xildhibaannadii kaydka ahaa ee gobolka uu ka soo baxay ee SAAXIL ugu qornaa lambarka koowaad  xil sugayaaasha.

Md. Cirro oo kamid ahaa mudanayaashii xisbiga UCID uga soo baxay gobolka Saaxil ayaa waxaa marka uu si toos ah u macasalaameeyo golaha wakiillada waxaa kursiga uu banneeyey ku fadhiisan doona loona dhaarin doonaa  Abwaan Maxamed Jaamac Cabdi (Gaaxnuug) oo kamid ahaa murashaxiintii xisbiga UCID uga tartamayay doorashadii golaha wakiillada ee sanadkii 2005-tii gobolka Saaxil, waxaanu si rasmi ah u buuxin doonaa booskaas marka uu xilli aan fogayn xubinnimada golaha iska casilo Md.Cirro.

 

Abwaan Maxamed Jaamac Cabdi Oo Gaaxnuug Loo yaqaannaa waxa uukamid yahay hal abuurrada foollaadka ah ee reer Somaliland isaga oo kaalin mug leh suugaantiisu ka soo qayb qaadatay  halgankii SNM, markii dalku xoroobayna waxaa uu muddooyinkii ka dembeeyey degannaa dalka Jabuuti hase haatee waqti xaadirkan waxaa uu rasmi ah aan ugu soo guuray dalkiisa hooyo ee Somaliland.

Comments are closed