Villa Somalia:Gaadiidka Oo Loo Diiday inay Gudaha u Galaan iyo Ciidamo Dheeraad ah Oo La Hor Dhoobay
Muqdisho:July,10,2014(SDN/QJ)-Ciidamo xooggan oo aan hore loo arki jirin, ayaa saaka lagu arkay Afaafka hore ee xaruntii Habeen hore la weeraray ee Villa Somalia.
Ciidamadan ayaa la sheegayaa inay xidheen Qaar kamid ah waddooyinka Madaxtooyada ku dhaw, waxana Gebi ahaanba yar gaadiidka maraya Goobaha ku dhaw madaxtooyada.
Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa wuxuu ku goodiyay inay sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan Xarumaha Dowladda Somaliya.
Ciidamada la soo dhigay afaafka hore ee Madaxtooyada, ayaa waxay isugu jiraan Boolis, Nabadsuggid iyo Militari, waxaana laga dheehan karaa inay feejignaan adag ku jiraan.Ciidamada, ayaa waxay hakiyeen dhaq dhaqaaqii guud ee ka jiray banaanada hore ee Madaxtooyada, iyagoo dib u celinaaya gaadiidka doonaaya inay galaan Madaxtooyada.
Qorshahaan, ayaa wuxuu qayb ka yahay tallaabada uu Taliyaha cusub ee Booliska uu ku doonaayo, inuu ku suggo ammaanka Madaxtooyada Somaliya.
Tan iyo intii la weeraray Aqalka Madaxtooyada Somalia Habeen hore, waxa magaalada laga dareemayaa ciidamo ka badan kuwii hore loo arki jirey, kuwaas oo baadhitaanno badan ku haya Gaadiidka kala duwan ee isticmaalaya Waddooyinka Caasimadda ku yaalla, gaar ahaan kuwa Ka ag dhaw madaxtooyada.
SDN/QJ
Contact@somalidiaporanews.com