|

Video la sheegay in laga duubay Wiil dhawaan Muqdisho isku qarxiyay oo la shaaciyay in u yahay Wiil kale oo Soomaali ah

Minneapolis April 18,2013(SDN)-Cajalad Muuqaal ah oo la sheegay in uu ahaa wiil reer Canada ah oo dhawaan ka qeybqaatay weerarkii Maxkamada Muqdisho lagu qaaday ayay soo shaac baxday in uu ahaa wiil kale oo Mareykan ah.

Wiilka Mareykanka ee Cajaladan ka muuqda ayaan ka mid aheyn ragii weraray maxkamada Muqdisho isla markaana aan ka tirsaneyn Al Shabaab.

Cajalada Wiilkan ayaa loo isticmaalay in lagu muujiyo iyo in weeraradii ka dhacay Muqdisho Axadii ay lug ku lahaayeen dhalin Canada ka tagtay.

Wiilka Cajaladiisa laga been abuurtay oo la yidhaahdo Ibraahim Inbu Abaas Al-haderey ayaa sheegay in saxaafada Soomaalidu ay ka been abuureen.

Sidoo kale Cajalada ayaanu Wiilka ku jiraahi ka hadleyn weerar uu qaadayo,balse uu fariin murugo badani ka muuqato u diraya Hooyadii.

Ciidamada amaanka ee dalkan Canada RCMPda ayaa haatan baaritaano ay wadaan waxa ay ugu kuurgelayaan in cid ka tagtay wadamada reer Galbeedka ay weeraradaasi ay ku lug lahaayeen.

SDN-Minneapolis

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed