|

Uurka CPJ oo baaq ka soo saaray dilkii wariye XIIS

Nairobi Dec 20,2011(qurbejoog.com)-Ururka u ololeeya difaaca suxuufiyiinta ee CPJ ayaa war uu ka soo saaray dilkii Axadii loogu geystay Wariye Cabdisalaan Sheekh Xasan XIIS magaalada Muqdisho waxa uu ku sheegay in ay DFKMG ah la gudboon tahay in ay baadhitaan ku sameyso dhacdadan.

Uruka CPJ ayaa sheegay in weriye XIIS ay dhawaan soo gaadheen fariimo hanjaaba uu ka helayay dad aanu garaneyn.

CPJ waxa kale oo ay sheegtay baaritaan ka dib in maalin uun ka intii aan la dilin ay askar ka tirsan ciidamadu u cagajugleeyeen wariyaha la dilay.

“dawlada waxa la gudboon in ay baaritaan dhab ah sameyso,si loo muujiyo in dadka laaya suxufiyiintu aaney sharciga ka sareyn” ayaa lagu yidhi qoraalka CPJ.

CPJ waxa ay sidoo kale ka soo xigatay axsaabta wariyaha la dilay in uu culeys kala kulmay baahinta qilaafka hadheeyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Alaha u naxariistee wariye XIIS ayaa 38 jir ka hawlgala dhawr warbaahin oo ay HCTV ka mid aheyd ahaa waxaana Xamar Jajab dil badheedha ugu geystay nin xidhan lebiska ciidanka dawlada.

 

Qurbejoog-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed