|

USA: Maxkamada Racfaanka oo diiday codsiga haween Soomali ah oo horey loo xukumay

Amina_Hawa_660St. Louis,26Aug,2015(QJ/SDN)-Maxkamada Racfaanka Maraykanka ee loo yaqaan [The 8th U.S. Circuit Court of Appeals] oo ku taal magaalada St. Louis ayaa qaadacday codsi ka yimid labo haween Soomaali ah oo horey loogu xukumay 20 iyo 10 sano oo xabsi ah.

Amina Farax Cali (39 sano jir) iyo Xaawo Mohamed Xassan (68 sano jir) ayaa waxaa horey u xukumay maxkamada darajada kowaad ee magaalada Minneapolis sanadkii 2011.

Labadan haween Soomaaliyeed ayaa lagu eedeeyey inay ka qeyb qaadanayeen abaabulkii dhaqaale ee lagu taageerayey kooxda Al Shabaab ee dalka Soomaaliya ka dagaalanta, waxayna horey danbi-baarayaasha Maraykanka ugu eedeeyeen labadan qof inay lacag aruuriyeen isla markaana ay si toos ah xiriir ulla lahaayeen xubno kamid ah Al Shabaab oo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Dacwada racfaanka ayey qareenada matalayey haweenka ku sheegeen in maxkamadeyntoodii hore aysan u dhicin si dhex dhexaad ah isla markaana Garsoorihii horey usoo xukumay ee Judge Michael Davis uu muujiyey inuusan dhex dhexaad ahayn kadib markii Xagjirnimada Islaamiyiinta uu la barbardhigay Argagaxisnimo.

Maxkamada Racfaanka ayaa taageertay Xukunkii hore ee ahaa Amina Farax Cali (39 sano jir) oo lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay 12 qodob oo danbi ah iyo Xaawo Mohamed Xassan (68 sano jir) oo lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay 2 qodob oo danbi ah oo ay ku jirto inay been u sheegtay danbi-baarayaasha hay’adaha amaanka Maraykanka.

Comments are closed