|

USA: Aabo Soomaaliyeed Oo Lagu Hor Dilay Carruurtiisii iyo Xaaskiisii.

shColumbus,25Oct,2015(QJ/SDN)-Aabo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Shuceyb Abuubakar ayaa lagu hor dilay Caruurtiisa iyo Xaaskiisa, xili ay kasoo baxeen Maqaaxi ku taal magaalada Columbus ee dalka Maraykanka, waxaa la sheegay inuu kusoo dhawaaday nin ku hubeysan Qori fudud, islamarkaasina uu rasaas ku bilaabay iyadoo ay daawanayaan caruurtii uu dhalay iyo xaaskiisa.

Allaha u Naxariistee Shuceyb Abuubakar oo da’diisa lagu sheegay 40-jir, oo dhaawac ahaan loo qaaday ayaa isbitaalka OhioHealth Riverside Methodist ku dhintay.

Dilka ayaa dhacay saacadu markay ahayd abaaro 6:30 maalintii Jimciha, waxaana Shuceyb iyo qosykiisa ay kasoo baxeen Maqaaxi ay markaas kasoo quraacdeen, waxayna sugayeen Gaadhigii qaadi lahaa inta aanu dilku dhicin.

Sarkaal u hadlay Booliska Ohio oo lagu magacaabo Holzhauser, ayaa  sheegay in aanay garaneyn sababta dilka uu ugu geystay iyo inuu rabay inuu dhaco, wuxuna xusay  in caruurta ay daawanayeen marka aabahood la dilayay kan ugu weyn da’diisa lagu qiyaasay 9 ilaa 10 sano jir.

Ugu danbayntii,  Ninka dilka u geystay Shuceyb ayaa la tilmaamay inuu ahaa nin Madoow oo aad u dheer, islamarkaasina xidhnaa dhar gaduudan,  Booliska ayaa hada baadigoob ugu jira sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

QJ/SDN: Hargeysa

Comments are closed