Ururro ku hadhay tartankii kala reebista oo ku biiray Ururka DALSAN
Hargeysa, 10 June 2012 (SDN)- Labada Urur siyaasadeed ee Damal iyo Jamhuuriga oo ku hadhay tartankii Ururadda Siyaasadda lagu kala reebay ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray Urur Siyaasadeedka Dalsan oo ka mid noqday Lixda Urur Siyaasadeed ee jira.
Xaflad ay weheliso musharaxiin Golaha Deegaanka u tartamaya oo isla Ururkaasi maanta kaga dhawaaqay ayaa lagu qabtay Huteelka Crown ee Hargeysa, waxaana ka qaybgalay dadweyne aad u badan iyo madaxda Ururadaasi isku biiray.
Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka DALSAN Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa soo dhaweeyay ku biirinta labada urur siyaasadeed eek u soo biiray ururkiisa.
Talaabadan ay labada urur siyaasaddeed ay ugu biireen ururka Dalsan ayaa muujinaysa inay ku qanceen natiijadii ay hore muranka uga keeneen.
SDN, Hargeisa