Ururradii la shaaciyay inay hadheen oo saaka si wadajir ah farriin adag ugu diray Guddida Diiwaangelinta iyo Xukuumadda
Hargeysa, 21, April 2012 (SDN)- Siddeed ka mid ah Sagaalkii Urur ee shalay ay Guddida Diiwaangelintu shaaciyeen inay ku hadheen tartanka kala reebista Ururrada ayaa maanta si wadajir ah gaashaanka ugu dhuftay Go’aanka Guddida Diiwaangelinta Ururrada.
Masuuliyiinta Ururradaas oo saaka Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa hadallo hanjabaad iyo digniin isugu jira u diray Guddida iyo Xukuumadda oo ay ku eedeeyeen inay ka dambaysay go’aanka lagu reebay.
Waxay xubnahan Ururradu si wadajir ah ugu baaqeen taageerayaashooda inay isugu soo baxaan mudaharaado ka dhan ah go’aanka guddida Diiwaangelinta.
Sidoo kale masuuliyiintani waxay cambaareyn ujeediyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa oo ay ku tilmaameen mid kala qaybinaysa, isla markaana qabyaalad dhexdhigaysa shacabka Somaliland, iyagoo sheegay in Madaxweynuhu uu lug ku leeyahay kala shaandhaynta tartanka Ururrada, iyagoo xusay inay jiraan qaar ay isaga xubno ka tirsan Xukuumaddiisu ay shuraako ku yihiin oo ay dhabarka ka taabteen si loo soo saaro.
Ururrada saaka Masuuliyiintooda sida wadajirka ah u hadleen ayaa kala ahaa:
1- Gurmad
2- Jamhuuriga
3- Nuur
4- Udhis
5- NDB
6- Badbaado
7- Damal
8- Horyaal
Waxa iyagu aanay ku jirin masuuliyiimtoodu Ururka SSCD.
SDN, Hargeisa