|

Ururrada Bulshada Puntland Oo ka Qayliyey Maamulka Loo Dhisay Gobollada Dhexe

Garowe:July31,2014(SDN/QJ)-Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland ayaa noqday cidii ugu horraysay eek a soo horjeedsatay Maamullada Xalay loo sameeyey Gobollada dhexe ee Somalia.

steAfhayeenka ururada bulshada Rayidka Puntland Daahir Cumar Siyaad ayaa si kulul  u cambaareeyey kulankaas iyo waliba maamullada loo sameeyey Gobollada Puntland deriska la ah.

Waxa uu sheegay in madaxda dalka ay ku eedeynayaan iska hor-keenka dadka walaalaha ah ee Galmudug iyo Puntland ka soo kala jeeda.

 

Siyaasadda dowladda ayuu aad u dhaliilay Afhayeenka, isagoo sheegay in dad gaar ah oo dowladda ka tirsan ay arrintani ka dambeeyaan oo dusha kaga tuuray dagaal beeleedyada ka socda goballada dalka sida uu hadalka u dhigay Daahir Cumar.

 

Dhinaca kale, Afhayeenka waxa uu sheegay in Puntland lagu qabanayo kulan deg-deg ah oo lagaga hadlayo aayaha maamulkaasi, si la isaga difaaco weerarka iyo dagaalka dowladda Federaalka ayuu yidhi isagoo sii hadlayay.

Arrinta uu Afhayeenku ka gubtay ayaa salka ku Haysa maamullada Gobollada Galmudug iyo Galgaduud loo sameeyey, kaas oo sida muuqata wax badan la qaybsan doona Maamul-goboleedka Puntland oo isagu hore u ahaa maamulka kaliya ee  dawladda federalka wakiilka uga ahaa hawlaheeda.

Ilaa iyo haatan Maamulka sare ee Puntland kama ay hadlin tallaabada dawladda Federalka ahi ku dhistay maamulkaas, waxase la filayaa inay dhawaanahan hadal  ka soo saaraan.

 

SDN/QJ-

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed