‘’Ururkani waxa uu Mas’uul ka yahay ilaa afar boqol oo dhakhtar oo reer Somaliland ah waxaana sannad kasta nagu soo biiraya ilaa Lixdan dhakhtar oo cusub’’ Xogwaran uu Bixiyey Gudoomiyaha Ururka dhakhaatiirta Somaliland
Hargaysa 07. August 2017 (SDN/QJ):- Dr Cabdirisaaq Yuusuf Cabdilaahi wuxuu ka Mid yahay Dhakhaatiirta ka hawl gala Somaliland waxaa kale oo uu yahay Gudoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Somaliland waxaanu iftiimiyey Waxyaabaha uu Ururkani qabto iyo Taakulo Caafimaad oo uu Isaga oo Kaashanaya Mid ka mid ah Shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland uu u geysto Caruurta yar yar ee uu hayo Cudurka Macaanku.
Sidoo kale Dr Cabdirisaaq waxaa uu yahay Gudoomiyaha xarunta caafimaadka ee Global oo ku taala Caasimadda Somaliland ee hargaysa.
Dr Cabdirisaaq Yuusuf Cabdilaahi oo xogwaran siiyey barnaamijka baro oo ku dayo muwaadinkaaga danta guud waxa weyn ka soo qabtay rubuc qarnigii tegay ee uu soo saaro aqoon yahan Rashiid Sulub Caalin ayuu ku faahfaahiyey waxqabadka ururka,shaqooyinka uu qabto iyo arimo badan oo dhinaca caafimaadka ku taxaluqa.
Dr Cabdirisaaq Yuusuf waxa uu ugu horayn ka jawaabay goortii uu dhashay, Halkii uu ku dhashay iyo Deegaanadii uu ku soo barbaaray ‘’Waxaan ku dhashay Magaaladdan hargaysa 1968-kii,dugsiga biyo dhacayga hoose Ayaan waxbarashadaydii hoose ka bilaabay,waxaan u sii gudbay Biyo dhacayga dhexe,iyadoo dugsigaygii sarena uu ahaa iskuulada faarax oomaar iyo 26-ka June,Markaas kadib waxaan tegay Magaaladda Xamar oo aan ka galay Jaamacadii ilaa tobankun oo arday ayaanu ahayn markii aan u fadhiisanaynay imtixaanka Jaamacada waxaa la doonayay in la qaato Labada kun ee ugu sareeya ,nasiib wanaag waxaan ka mid noqday Sadexdii Boqol ee ugu sareeyay,Waxaan markaas galay Jaamacadii la odhan jiray Ummada Soomaaliyeed waxaan ka mid noqday Lixdan arday oo loo qaatay Kuliyaddii Caafimaadka iyadoo ku talo galku ahaa in dhakhtarka la soo saarayaa uu noqdo Dhakhtar guud Markaas Xiligii aanu qallin jebin lahayn ayaa waxaa dhacay Dagaalkii sidaas awgeed maan fursad umaan helin inaan Jaamacadaas ku dhameeyo cilmigii caafimaad ee aan baranayay waxaan u soo qaxay Magaaladan hargaysa mudo 13 sano ah Ayaan ka shaqaynayay qaybaha Shaybaadhada iyo Bangiyada dhiiga waxaa markaas noo soo baxday fursad fiican oo ah inaanu Digriigayagii Jaamacada ku soo dhamaystirano dalka Sudan sannadkii 2004-tii Ayaan magaalo ku taala waqooyiga sudan ka bilaabay dhamaystirka aqoontaydii caafimaad mudo 4 Sano ah Ayaan ku Jirnay halkaas waxaan dalka ku soo noqday bishii August ee sannadkii 2008-dii.
Dr Cabdirisaaq Yuusuf Cabdilaahi Waxaa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha loo aasaasay Ururka dhakhaatiirta Somaliland ee uu haatan Gudoomiyaha ka yahay waxaanu yidhi ‘’ Ururkani waxa uu Mas’uul ka yahay ilaa afar boqol oo dhakhtar oo reer Somaliland ah waxaana sannad kasta nagu soo biiraya ilaa Lixdan dhakhtar oo cusub oo ka soo baxa jaamacadaha dalka,Ujeedada loo aasaasay ururkani waxay tahay inuu ilaaliyo xuquuqda dhakhtarka sida inuu aqoontiisa kor u qaado inuu takhasusaad u raadiyo in hadii mid ka mid ah dhakhaatiirta ay dhibaato ku timaado uu gacan u fidiyo , in aanu qayb ka noqono wax kasta oo si mutadawacnimo ah loo qabanayo iyo arrimo kale’’
Dr C.risaaq Waxaa kale oo oo la weydiiyey Marka la eego Tirada dhakhaatiirta Somaliland halkii dhakhtar inta uu kaga beegmayo Mujtamaca Somaliland iyo Waxyaabaha uu Ururkoodu ka Kaalmeeyo dhakhaatiirta waxaanu yidhi
‘’ Daraasad sugan lama samayn laakiin Dad ka badan Toban kun oo qof ayuu hal dhakhatar ku soo beegmayaa marka laga hadlayo Somaliland halka adduunka tiro aad u yar oo dhawr boqol ahi ay halkii dhakhtar ku soo beegmaan waxaana taas keentay burburkii dalka ku dhacay oo sababay in la waayo dhakhaatiirtii loo baahnaa maanta afar boqol ayay marayaane mar ayay noo Joogeen Dhakhaatiir Boqol ka hoosaysa kuwaas oo adeeg caafimaad u fidinayay Bulsho lagu qiyaaso afar Milyan oo qof taasi culays weyn ayay leedahay inkasta oo maanta dhakhaatiirta soo baxaysaa ay yaraynayso culayskii badnaa ee Jiray sidaas oo ay tahay waxaa loo baahan yahay in dhakhaatiirta cusub loo diyaariyo takhasusaad taasna Urur ahaan waanu ka hawl galnaa ‘’
Dr Cabdirisaaq Yuusuf Cabdilaahi waxaa kale oo uu ka hadlay arrimo u qabsoomay Ururka dhakhaatiirta Somaliland ee uu Gudoomiyaha ka yahay waxaanu yidhi
‘’Waxaan ka qayb galay Shir caalami ah oo ka dhacay Dalka Turkiga iyadoo aanu ka helnay inaanu xubin ka noqono dalalkii shirkaas ka soo qayb galay, Sidoo kale Ururo badan oo Caafimaad ayaanu xidhiidho la samaynay waxayna noo saamaxday inaanu qayb ka noqono Urur balaadhan oo ay ku Jiraan ilaa Konton kun oo dhakhtar waxaanu ka rajaynaynaa inaanu Ururkaas xubin rasmi ah ka noqono’’
Dr Cabdirisaaq Yuusuf waxaa la weydiiyey inay Dhakhaatiirta ururkan uu hogaamiyo xubinta ka ah inay ku hagaan sidii ay dadka bukaanka ah ee u yimaada u siin lahaayeen fursad ay kaga bogtaan xannuunka uu ka cabanayo waxaanu yidhi
‘’Horta anagu Talooyin ayaanu siinaa Kolayse shuruuc ayay leeyihiin dhakhaatiirtu waxaa la rabaa in dhakhtarku uu mudo ku siman 15 Daqiiqo uu waraysto bukaanka u yimid ee dabiibka soo biday wuxuu mudadaas ku helayaa wakhti uu ku go’aan qaato waxaanu go’aankaasi 80% ku xidhan yahay waraysigaa uu bukaanka la yeesho waxaan is leeyahay saacadii wuxuu dhakhtarku eegi karaa ilaa lix ruux hadii la yidhaa 15 daqiiqo qofkiiba ha la siiyo waxa uu eegi karaa 4 bukaan’’
Dr Cabdirisaaq Yuusuf Cabdilaahi waxa la weydiiyey Sida uu ku abuurmay Fikir ilaa hada shaqeeya oo adeeg caafimaad loogu fidiyo Caruurta yar yar ee uu Cudurka Macaanku hayo waxaanu Yidhi ‘’Mashruucan caruurta uu asiibo cudurka macaanku lagula soconayo xaaladooda waa mashruuc aad u wanaagsan waxa uu ku bilaabmay markii hore aniga iyo madaxa xidhiidhka dadweynaha ee Shirkada Telesom ayaa kulanay wuxuu ii sheegay inay qayb ka qaataan dhinaca caafimaadka waxaan is weydiinay halka ugu haboon ee maanta ummada wax tari kara ee la rabo in laga hawl galo waxaan soo Jeediyey in Caruurta yar yar ee macaanka qaba xooga in la saaro ay muhiim tahay way ila qaateen fikirkaas waxaanu Hawlgalkan ku Bilownay Konton ciyaal ah kuwaas oo laga soo xulay goobaha ay dadka baro kacayaasha ah ee danyarta ahi ay degen yihiin Sida State houska oo kale Sanad sanad ayaanu u Kordhinaynay Tiradii oo marba ku daraynay Konton caruur ah markaas 150 Caruur ah ayay Shirkada Telesom maanta caawisaa,Ciyaalka yar yari Kiniin ma qaataan ee Irbad ayay qaataan waayo hadii uu ilmuhu ka yar yahay 20 sano adduunka oo dhan waxaa la yidhaa Kiniin waxba uma tarayo,waxaanu markaas siinaa ilmaha yar Irbadii macaanka ee lagu mudayay,Qalabkii lagu eegayay amase lagu hubinayay heerka macaanka,Warqad ayaanu siinaa waxaa lagu soo qoraa bil kasta heerka uu Ilmaha yar ee uu hayo macaanku uu marayo taasi waxay naga caawisaa inaanu ogaano in dawadii wax u tartay iyo in kale si kii ay wax ka Khaldan yihiin dib loogu saxo’’.
Xogwarankan oo aad u dheeraa waxa uu Gudoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Somaliland kaga hadlay arrimo kala duwan.