Ururka XISBULLAHI Oo Canbaareeyay Xadhiga Lagula Kacay Gudoomiyahoodda
Hargeysa Dec 19,2011(qurbejoog.com)-Urur diimeedka Xisbulah oo shalay la qabtay guddoomiyahoodii ayaa maanta soo saaray warmurtiyeed ay ku sheegayaan sida ay uga xun yihiin falkaasi.
Warkaa saxaafada loogu talo galayna waxa uu u qoraa sidan;-
Marka hore waxaanu aad uga ka xunnahay xadhiga loo geystay guddoomiyaha xisbullah Sheekh Maxamuud C/laahi Geelle oo haba yaraatee aan lagu hayn ilaa haddana aan lagu soo oogin wax dambi ah oo uu galay.
Waxaanan horey u sheegnay imikana u sheegaynaa in ururku uu ku baaqayo ku dhaqanka Shareecada Islaamka, kaasi oo aan wadin wax khal-khal iyo khilaaf ah. Sidoo kalena in ururkani aanu hubaysnayn isla markaana cidna aanu ku xidhnayn Ilaahay mooyee.
Hadaba isagoo warkayagu sida u cad yahay ayaa waxaanu aad uga xunnahay Xadhigaasi lagula kacay Sheekha waxaanan u aragnaa mid xad-gudub ah oo cadaaladda ka fog. Waxaanan xukuumadda ugu baaqaynaa in si deg deg ah xorriyaddiisii loogu soo celiyo sheekha.
Ugu dambayntii haddii aanu nahay Xisbullaah waxaanu leenahay waar ma waxaa dambi noqotay Kitaabka Ilaahay ha la isku xukumo?
Allaa Mahad leh.
Cali Cumar Maxamuud
Af-hayeenka Xisbullah.
Qurbejoog-Hargeysa