|

Ururka Xisbulaah ee Somaliland oo ka hadlay diin cayga,xukuumadana baaq u jeediyay

Hargeysa Sept 20,2012(SDN)-Urur diimeedka Xisbulaahi ee Somaliland ayaa war uu soo saaray waxa uu uga waramay filmka aflagaadada ah ee dhawaan reer Galbeedku soo saareen iyo dadka muslimiinta ah ee qudhoodu caadeystay ceyda diinta.

Qoraalkan oo uu ku sexeen yahay afhayeenka ururka oo nuqul kamida uu na soo gaaray ayaa u qoraa sidan;-

“Waxaanu cambaaraynaynaa aflagaadada foosha xun ee lagula kacay rasuulkeena Muxamed (NNKHH), Taasoo aan ahayn markii ugu horeysay balse marar badan oo kalena soo noq-noqotay.

Waxaanu ugu baaqaynaa xukuumadda iyo dadweynaha muslimka ah in ay u hiiliyaan diintooda oo ay muujiyaan sida ay uga xun yihiin ku-xadgudubka Rasuulkeena Suuban (CSW).

Waxaanu si gaara ugu jeedinaynaa kuwa dhaqanka iyo caadada ka dhigtay Ilaah Cayga, Nabi Cayga, Diin Cayga iyo wixii la mid ahba inay ka waantoobaan, oo ay ogaadaan in ay diinta kaga baxayaan.

Waxaanu xukuumadda maanta jirta ku boorinaynaa inay wax ka qabato tallaabo cadna ka qaado, kuwa iyagu caadaystay falalka foosha xun ee aan sare kusoo xusnay. Kuna gacan siiso cidda u dhaq-dhaqaaqda wax-ka-qabadka ficiladaasi.

Allaa Mahad Leh

Af-hayeenka Ururka Xisbullah

Cali Cumar Maxamuud

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed